Ismail faarah Hassan sudani

Ismail faarah Hassan sudani Reports

28/01/2023
30/07/2022

(Hadalsame) 28 Luulyo 2022 – Baaritaan hordhac ah oo lagu sameeyey diyaaradii Jubba Airways ee 18-kii bishan Luulyo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa lagu ogaadey in aan weli la helin Sanduuqii Xog-duubista Duulimaadka ee ama Sanduuqa Madow (FDR).
Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Laanta Baarista Shilalka Diyaaradaha, “ilaa iyo hadda, sanduuqaasi lagama helin.” FDR waxa uu diiwaan geliyaa macluumaadka muhiimka ah ee baarayaasha duullimaadka wixii dhacay daqiiqadihii ugu dambeeyey kahor shilka.
Warbixinta ayaa lagu soo gabagabeeyey in shilkan uu ka dhashay markii duuliyihii diyaaraddu uu xakamayn kari waayey diyaaradda dabayl darteed, sidii markii h**e la filayey.

Ilo wareedyo ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyey baaritaanka shilkan, balse sanduuqa la’aantii baaristu wax micne ah samayn mayso.
Kaamil Cabdicasiis Olol oo ah Injineer Dayactirka Diyaaradaha ayaa sheegay in uu aad ula yaabay markii uu ogaaday in baaritaankii la soo gaba gabeeyey iyadoo aan la helin Sanduuqa FDR.

30/07/2022

Doorashada Kenya 2022: Wax kasta oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato doorashada Kenya

Saacad ka hor


XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Kenya oo ka mid ah waddamada ugu dhaqaalaha xooggan ee qaaradda Afrika, ayaa 9-ka bisha Agoosto waxaa la dooranayaa madaxweynihii dalkaasi hoggaamin lahaa shanta sano ee soo socoto. Doorashadan ayaa ku soo aadday xilli dalkan ay ka jiraan sare u kac dhanka maciishadda ah iyo abaaro baahsan kuwaasoo caqabad ku noqon doono cid kasta oo kursiga qabato.

Balse madaxweyne Uhuru Kenyatta oo dhameystay muddo xileedkiisa ayaa iska diiday inuu taageero ku xigeenkiisa oo tartamaya, wuxuuna hadda gadaal ka riixayaa hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.Inta badan doorashooyinkii horay dalka Kenya ugu dhacay waxaa ka dhashay muran iyo eedeymo wax isadabamarinno inay jireen iyo rabshado qabiil salka ku haya oo ay dad badan ku dhinteen. Hase yeeshee, shacabka Kenya ayaa rajeynaya doorashadan iney kuwii h**e uga duwanaato.

Musharrixiinta waa kuwee?

Musharraxa madaxweynaha Raila Odinga oo afar jeer oo h**e doorashada guul darro kala kulmay ayaa malaha markii ugu dambeysay markan nasiibkiisa tijaabinaya. Ninkan 77 jirka aha ayaa horay ugu soo caan baxay ololayaasha doorashada uu horay u sameeyey.Waxaana kursiga madaxweynah kula tartamayaa madaxweyne ku xigeenka William Ruto oo 55 jir ah.



30/07/2022

Kala soco wixii dhacdo ah ee cusub

Address

Gabiley
Dubai
ISMO111

Telephone

+252633083815

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ismail faarah Hassan sudani posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category