03/08/2026
🌱 Dhaxal-reebka Cagaaran 🌱
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27/11/2018 T.I, oo ku beegan maalinta qaran ahaan loo asteeyey Barnaamijka Dhaxal-reebka Cagaaran, si guul leh uga qabsoomay Degmada Baarey barnaamij ballaaran oo dhir-beeris ah.
Barnaamijkan waxaa ka soo qayb galay hoggaaminta degmada iyo shaqaalaha dowladda ee xafiisyada kala duwan, kuwaas oo si wadajir ah uga qayb qaatay hirgelinta ololaha dhir-beerista.
Intii uu socday barnaamijkan waxaa lasameyay dhirbeeris taas oo qayb ka ah dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka, korna loogu qaadayo bilicda degmada, laguna xoojinayo la dagaallanka isbeddelka cimilada.
Ujeeddada Barnaamijka Dhaxal-reebka Cagaaran waa in jiilasha soo socda loogu reebo deegaan cagaaran oo waara.