04/08/2025
Taariikhda Soomaalida
QAYBTA LABAAD
FIDIDDA SOOMAALIDA
D-DALKA BALLAARAN AY MAANTA DEGGAN TAHAY
Taariikhda oraahda Soomaaliyeed waxay leedahay Qarnigii 12aad Millaadiga iyo waxii
ka horreeyay, inuu Soomaalida degaankeedu ahaa deexda u dhexeeysa khooriga Tajura iyo Raas
Casayr ee Wagooyi Bari Badweynta Hindiya oo ay gobollada dhexena degganayd Oroomo oo
gidigood waagaa loo yaqiin Berberi.
Goortay Diinta Islaamka dalka soo gaartay kuna hanaqaaday dadkii ku midaysnaa magaca Berberiga ee dalka degganaa waxuu u kala qaybsamay kuwa qaatay caqiidada Islaamka iyo kuwa ku haray cawaannimada.
Waxaa durbadiiba soo ifbaxay magacyo
cusub waxaana lagu kala leexday magacyada, diinta, dhaqanka, siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Waxaa kaloo dhalatay neceeb oo lagu takooray kuwii cawaannimada ku haray laguna colaadiyay
inay yahiin nacab gaala madowah.
Muddo arrintu hadday sidaas ahayd waxaa, Soomaalidii Islaamka ahayd iyo Oroomadii
cawaanta ahayd, ka dhex aloosmay dagaallo muddo dheer socday oo ay ugu dambeeyntii
Soomaalidu ku taagroonaatay kuna fiday dalkay maanta deggantahay.
Soomaalidu duullaankayku fidaysay waxuu ku habeysnaa Afar jaho oo kala ah: Bartamaha, dooxooyinka webiyada, Waqooyi Galbeed iyo Koofur Bari oo ah deexda Badweynta Hindiya.
Dagaal dheer oo waayosocday kadib, waxay ugu dambeeyntii libtu raacday Soomaalidii Islaamka ahayd waxaana Oroomadii cawaanta ahayd loo riixay Galbeed iyo Koofur.
Sida la sheegaayo waxaa Dagaalladaas
lagu dilay Harti Koombe oo ay dad badanoo Soomaali ah ku abtirsadaan waxuuna ku aasan yahay Bixin meel u dhow oo la yiraahdo Dameerra-Buuq Dhuure.
Dagaalladaas kadib, intii caqiidada
Islaamka qaadatay, golo kastaba ha ahaadeenee, waxay ku biireen ama sheegteen Soomaalida
kuwii cawaannimada ku harayna waxay, iyaguna kolkooda, Koofur u siiriixeen Wanyiikadii
agaggaarka webiga Shabeelle degganayd oo ay kuwii ka haray maanta Soomaalida ka mid yahiin.
Taariikhda oraahda Soomaalida waxaa weli laga xusuustaa raadreebna leh dagaalladii
Oroomada