17/10/2026
Kulan Lagu Qiimaynayey Xaaladda Adeeg-bixinta Xarumaha Caafimaadka DDS.
Kulan lagu qiimaynayey xaaladda adeeg-bixinta xarumaha caafimaadka ee Deegaanka Soomaalida ayaa ka qabsoomay hoolka Xafiiska Caafimaadka DDS, waxaana shir-guddoominayey Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS, Dr. Muse Axmed Ibraahim.
Kulanka waxaa ka qaybgalay wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Caafimaadka DDS, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo isku-duwayaasha xafiiska.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta xaaladda guud ee adeeg-bixinta xarumaha caafimaadka, gaar ahaan xarumaha leh waaxyaha qalliinka (Operating Rooms), iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo tayaynta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah (Primary Health Care) sannadkan. Waxaana lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan heerka ay marayaan adeegyada caafimaadku, diyaargarowga xarumaha iyo caqabadaha hortaagan bixinta adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu aasaasay Guddi Farsamo (Task Force Team) oo loo xilsaaray dardargelinta iyo isku-dubbaridka hawlaha lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka aasaasiga ah. Guddigan ayaa ka shaqayn doona aqoonsiga caqabadaha jira iyo xal u heliddooda, diyaarinta qorshe hawleed mideysan, xoojinta wada-shaqaynta waaxyaha ay khusayso iyo dabagalka fulinta tallaabooyinka lagu tayaynayo adeeg-bixinta xarumaha caafimaadka.
Ugu dambayn, kulankani wuxuu qayb ka yahay dadaallada Xafiiska Caafimaadka DDS ee lagu horumarinayo tayada iyo joogtaynta adeegyada caafimaadka, si bulshada deegaanku u hesho adeegyo caafimaad oo tayo leh, ammaan ah, isla markaana si joogto ah loo heli karo.
Xafiiska Caafimaadka DDS.
October 17.2026