07/05/2026
Waxaa xadhigga laga jaray balaadhinta Cusbitaalka Guud ee Siti oo lagu soo kordhiyay qaybta dhaawacyada, taas oo ay ku baxay dhismaha iyo qalabaynta miisaaniyad dhan 97 milyan oo Birr.
Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS Dr. Muuse Axmed iyo qaar kamid ah xildhibaannada xisbiga Barwaaqo uga sharaxan Gobolka Siti ayaa xadhigga ka jaray mashruucan, kaas oo wax badan ka tari doona adeegyadii uu cusbitaalku bixin jiray.
Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa sheegay in xukuumaddu ay ahmiyad gaar ah siisay adeegyada caafimaadka. Waaxdan Cisbitaalka lagu soo kordhiyeyna ay waxbadan ka tari-doonto dhinaca adeeg bixinta cusbitaalka.
Dr. Muuse Axmed Ibraahim, wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS oo munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay xisbiga Barwaaqo iyo xukuumada hada talada haysa ay ahmiyad gaar ah siiyeen tayaynta adeega caafimaadka ee deegaanka, mashruucanina waa mid kamida mashaariicda tirada badan ee laga hirgaliyay cusbitaalada deegaanka.
Xafiiska Caafimaadka DDS
May 7, 2027