06/05/2026
Sheeko cajiib ah...
Hamse Sha'ir, oo ah wiil dhalinyaro ah oo caan ku ah majaajiladiisa iyo dhaqanka Soomaalida ee uu ku soo bandhigo baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay arrin aad muhiim u ah: gabyaaladda bulshada.
Intii lagu guda jiray wareysiga, waxaa la weydiiyay sababta uusan marar badan uga hadlin arrimaha qabyaaladda. Hamse wuxuu bixiyay jawaab goto dheer oo xambaarsan xikmad iyo waayo-aragnimo nololeed.
Wuxuu yiri:
"Maalin ayaan fasax 15 maalmood ah ka qaatay
shaqadaydii askarinimo, waxaanan aaday qoyskayga.
Intii aan fasaxa ku jiray, iyadoo ay ii harsan tahay 5 maalmood, ayaa la i soo wacay oo la ii sheegay: 'Nin beeshayada ka tirsan ayaa la dilay.'
Waxaan ku jawaabay in aan ahay askari qaran oo
dhaartay, sidaas darteedna aanan ka qayb qaadan karin dagaal qabiil. Waan diiday, shaqadaydiina ayaan ku laabtay.
Laba sano kadib ayaan mar kale fasax qaatay. Haddana waa la i yeeray, waxaana la i yiri: 'Markii h**e waad naga diiday, laakiin hadda waan kuu ducaynaynaa — dagaal ayaan galaynaa, na raac.!
Markii aan weydiiyay sababta dagaalka loo galay, waxaa la ii sheegay in ay taageerayaan qabiil kale oo walaalahood ah oo la weeraray, nin laga dilayna uu jiro.
Markii aan sii weydiiyay ciddii ay ahaayeen, waxaa la ii sheegay in ay yihiin isla kuwii la igu amray inaan la dagaallamo laba sano ka hor.
Halkaas ayaan ka fahmay in Soomaalidu aysan lahayn
sabab cad oo ay u dagaallamaan."
Hadalkaas, Hamse Sha'ir wuxuu ku muujiyay aragti ka tarjumaysa jahawareerka joogtada ah iyo isbeddelka ku jira dagaallada ku saleysan gabyaaladda, kuwaas oo u muuqda kuwo aan lahayn ujeeddo cad oo waarta.
Ugu dambeyn, fariintiisu waxay si qoto dheer u taabanaysaa qof kasta oo leh garasho iyo damiir isagoo bulshada ku boorrinaya inay dib uga fikiraan waxa ay u dagaallamayaan iyo waxa…..