Dhaameel Agriland

Dhaameel Agriland "

Biodynamic Agriculture And Voice Of The Farmers.

03/11/2024

Beerista Bunku ama Coffee si fiican buu uga baxayaa buuraaha Sanaag iyo Gacanlibaax.

31/10/2024

“ Waxaan Safar shaqo ku tegey Dalka maraykanka,Markaan nastay kadib ,waxaan aaday mid kamid ah Dukaamada lagu iibiyo ala...
25/08/2022

“ Waxaan Safar shaqo ku tegey Dalka maraykanka,Markaan nastay kadib ,waxaan aaday mid kamid ah Dukaamada lagu iibiyo alaabaha, anigoo sugaya in aan bixiyo lacagta alaabtii aan iibsaday, ayaa Dukaankii waxaa soo gashay gabar muslimad ah oo xijaaban, oo uu ka muuqdo daal oo siddata sanduuq culus, waxay u tagtay gabadhii xisaabiyaha ka ahayd dukaanka.

Gabadhii Muslimada ahayd aya tiri: Marwo shalay ayaan mishiinkan kaaga iibsaday $500 isaga iyo dhawr shay oo kale.

Gabadhii xisaabiyaha ahayd oo mashquulsan ayaa tiri: waan gartay ma waxaad doonaysaa in lagaa celiyo?
Gabadhii Muslimadda ahayd ayaa ugu jawaabtay: Maya, waxaan rabaa in aan lacagtiisa bixiyo!.

Gabadhii xisaabiyaha ahayd oo weli mashquulsan aya tiri: Ma fahmin!! Miyaanad ii sheegin in aad shalay iibsatay?

Gabadhii Muslimadda ahayd ayaa tiri: Marwo weli ima aad fahmin, shalay ayaa kaa iibsaday mishiinkan iyo alaabo kale waxaana ku bixiyay Credit Card-ka, markii aan guriga soo galay oo aan eegay Warqad bixinta (invoice) ayaa waxaan ogaaday in aadan ku xisaabin ama aadan ku darin qiimaha mishiinkan,waxaan filayaa inaad ilowdey.

Sidaas darteed waxaan isku dayey inaan la xiriiro dukaanka si aysan adiga dhibaato kaaga soo gaarin arrintaas awgeed, balse saacadihii shaqada ayaa dhammaaday.

Marka waxaan go'aansaday saaka in aan fasax shaqadaydii ka soo qaato oo aan kuu soo qaado mashiinka, si aad u diwaangeliso oo aan lacagta u bixiyo, mana isticmaalo wax aanan lacagtiisa bixin.

Gabadhii Dukaanku si lama filaan ah ayay u istaagtay, iyadoo aad u yaaban oo eegaysa gabadha muslimada ah, intay laaabta gelisey ayay dhunkatay iyadoo ilmaynaysa oo leh ma fahmin sida aad u go'aansatay in aad shaqadaada fasax kasoo qaadato adigoo ka baqaya in shaqada layga eryo waliba adigoo sida mashiinkan aadka u culus weliba adigoon wax Khalada ah ku lahayn, Ee marwo maxaad u sameysay waxaan oo dhan?!!!

Gabadhii muslimada ahayd ayaa ku jawaabtay Islaamka ayaa I faraya in aan ilaaliyo amaanada iyo in aan ka fogaado xaaranta waxay u sharaxday micnaha aaminaada iyo islaamka.

Anigu Waan taagnaa intay Sheekadan oo dhan ay dhex marayso,waayo arin isoo jiidatay ayaan la kulmay .

Kadib, Gabadhii Dukaanku waxay u tagtay maareeyaheedii oo xafiiskiisa fadhiya, waxayna u sheegtay waxa ay samaysay haweenaydan Muslimadda ah.

Daqiiqado kadib, maareeyihi wuxuu shaqaalihii ku soo ururiyay dukaanka wuxuuna ka hadlay hab-dhaqanka gabadha Muslimadda ah, wuxuuna u sharaxay sida ay wax u dhaceen iyo sida ay gabadhani tusaale ugu tahay wanaaga wuxuuna yiri:
waxay kudhaqantay wixi ay ka baratay diinteeda.

Kadib,qof kasta Gabadhii Muslimada ahayd wuxuu weydiiyey isagoo aad u xiiseeynaya diinta Islaamka waxayna ugu sharaxday si yaab leh oo ay ka muuqato kalsooni, khushuuc iyo daacadnimo,Weliba waxay ahayd Gabar wax gudbinta ku fiican.

Markii ay dhammaysay waxa uu maareeyihii Dunkaanku si adag ugu adkaystay in Mishiinka ay soo celisey ay hadiyada ahaan u qaadato, oo aanay wax lacag ah ka bixin,Lknse Gabadhii Muslimada ahyd ayaa si xushmad leh uga cudur daaratay inay ka aqbasho.

Waxayna sheegtay in ay doonayso abaal-marinta eebe ee aanay doonayn mashiinka,Waxayna tiri:

“ iga raali noqo ma doonayo in mashiinkan yar uu iga burburiyo abaal-marinta weyn ee Allah ,Kadib,intay lacagtii bixisay ayay iska baxday "

Waxa Qortay Khadiija Bin Qinah oo ka Shaqaysa TV-ga Aljazeera .

Xogasho C/risaaq jubba

HOOYADII ISHA LA 'AYDQiso xanuun badan oo dhexmartay wiilIyo hooyadii.Nolosha waxay soo martaa xanuuno iyo dhibaatooyin ...
12/10/2021

HOOYADII ISHA LA 'AYD

Qiso xanuun badan oo dhexmartay wiil
Iyo hooyadii.

Nolosha waxay soo martaa xanuuno iyo dhibaatooyin badan markii loo fiiriyo aragtiyada bulshooyinka ku nool caalamka, ayaa ah mid kalla duwan. Sawabtoo ah kalla aragti duwanaanshaha bulshooyinka ayaa ah mid ay ku kalla duwanyihiin casharadii ay ka soo mareen xagga nolosha. Qisadaan waa qiso dhab ah, oo ay ka dhacday mid ka mid ah dalalka carbeed. Waxayna dhexmartay hooyo isha la’ayd iyo wiilkeeda oo markaas lagu qiyaasay 9 illa 10 jir meelahaas. Hooyadaani iyo wiilkeeda waxay ku wada noolaayeen hal meel (1 guri) balse wiilkaan yari aad ayuu u dhibsani jiray in ay timaado hooyadiisa meesha uu taaganyahay, sidda hadduu la taaganyahay caruurta ay isla dhigtaan iskuulka. Hooyadaani waxay ka shaqeyni jirtay iskuulka uu dhigto wiilkaani yar. Waxay ahayd shaahleey, waxay shaah u karini jirtay macalimiinta iskuulka. Taasi oo wiilka ku qasabtay inuu dhibsado ama karaahaysto hooyadiisa.
Maalin maalimaha ka mid ah ayaa waxaa dhacday in hooyadii oo shaqadeeda soo dhamaysatay oo rabtay inay wiilkeeda soo fiiriso xaalkiisa bacdamaa ay aad ugu xiistay wiilkeeda ayay waxay ugu timid fasalkiisa, balse wiilka waxay ku noqotay xaalad uusan filanaynin, aadna wuu ugu xanaaqay hooyadiisa. Markii la gaaray maalintii xigtay ayaa ardaydii waxay jees jees ku yiraahdeen wiilkii iyagoo ku dhahaayo “hooyadaa isha ayay la’ayd iyo waliba hadalo kalle oo jees jees ah”.
Wakhtigaan wiilka wuxuu ahaa arday dhigto dugsiga dhexe. Maalintii xigtay ayuu wiilkii yaraa qolka ugu galay hooyadiisa si uu ugu sheego waxyaabaha uu tabanaayo oo culeys ah. Qisadaan ayaa waxaa si rasmi ah ugu sheekeeyay wiilkaan yar hadaladda uu ku hadlay waxaa ka mid ahaa “ hooyadey aad ayay ii jecleyd wakhti kasto waxay xiisayni jirtay inay aragto muuqaalkeyga iyo sidda aan u muuqdo maalinkaas balse aniga waxan ahaa qof aad u dhibsada inay timaado meesha aan taaganahay, anigoo ka cararaayo inay igu ceebeyso dadka kalele”
Wiilka markuu go’aan ku gaaray inuu u sheego hooyadiisa waxa uu tabanaayo ayuu qolka ugu soo galay hooyadiisa kuna yiri “”Maxaad ii ceebeysataa, waxaan ku sigtay inaan nafta iska jaro markaad madarasada timid ee aad fasalkayga iigu soo gashay, waan karhay araggaaga oo aan dhibsaday, waana inaan kaa tago oo aan meel fog kaa aado si aanan u fadeexoobin” sidda wiilka uu sheegay wuxuu yiri “Waxaan hooyo kula hadlay erayo cul culus oo aanan ogayn saamayntooda intay qalbigeeda ku reebi karaan. Ma garanaynin hooyo waxyaabo badan oo ay dareensan tahay, waayo waxaan ahaa qof hilmaansho kaga sugan waaqica dhabta ah. Xataa ma ahayn wiil fikira oo xaqiiqda raadiya. Waxaan isu arkayay nasiib laawe maadama ay haweeney il la’ i dhashay. Erayadaas kul kulul oo idil inta aan kula hadlayay hooyo waxay fiirinaysay hoos, wax hadal ahna iima aysan celinin” asigoo wali hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Waxyar k**a soo wareegin inaan nasiib u yeesho jeer aan helay safar ubaxaya magaalo kalle oo aan raacay, si aan uga weji qarsada habarta isha la’. Ma ogayn inaan ahay indha kuushii indhaheeda oo ay aniga i fiirsanaysa, mana dareensanayn arrinkaas. Waayo waxaan ahaa wiil yar oo fud fudud, waxna aanan fahmi karin. Diinteenna suubban aqoon sidaas ah uma lahayn, mana garanaynin wax la yiraahda ixtiraam waalid iyo xuquuqdooda. Dhibta iigu weynse waxay ahayd inay i dhashay haweeney il la’ oo ay inamada facayga ah igu caayaan. Muddo kadib waan guursaday oo aan noqday nin leh guri gaar ah oo goonni udegen. Waxaan noqday aabbe oo aan yeeshay carruur, waxaanna galay nolal cusub iyo farxad. Waxaan u baxay farxad aanan h**ey u heli jirin, waanna ilaaway hooyo oo aan ka nastay.
Maalin maalmaha kamid ah ayay hooyo timid gurigeyga si ay iisoo booqata bacdamaa aanay muddo sanado ah i arkin. Waxay iiqabtay hamuun iyo xiiso gaar ah, waxayna dartay usoo jartay masaafa aad u dheer. Tilmaan iyo dhib dheer kadib waxay timid albaabkii gurigeyga oo ay soo garaacday. Markii aan ka furay carruurtaydii ayaa waxay billaabeen inay kuqoslaan oo isheedu ay farta ku ishaaraan. Aad baan u xanaaqay dhulka ayaana ila wareegtay, anigoo aan cara degin baan inta dib u laabtay haddana aan soo laabtay markale, markaasaan erayadan kulul kala dul dhacay anigoo leh ”Maxaad iigu timid adigoonan isoo ogeysiinin? Maxaad carruurta iiga cabsiinaysaa iyo aad rucbiga ugu rideysaa? Katag halkan inta aan kuujeedo”. Hadal dabacsan oo aad u hooseeyo ayay igu tiri:- Ii cududaar, waayo waan qaldamay in badan, waayo waxaa dhacday jid qaldan inaan soo qaaday oo aan ku hungoobay, wayna iska baxday.
Maalintaas wixii ka dambeeyey ma aanan arag hooyaday, warkeeduna ma helin jeer markii dambe fariin ay iiga timid asxaabtii aan isku dugsiga ahayn, kuwaasoo ii fidiyey casuumaad heer sara ah bacdamaa aanan sanado badan is arkin. Xaaskayga waxaan usheegay inaan safar gaaban u baxaya oo aan soo laaban doono si dhaqsiya badan, wayna i yeeshay oo ay I sagootisay. Markii aan tegey magaalladii kale ee ay saaxiibaday iyo hooyoba deganaayeen, waxaa isoo dhaweeyey asxaabtaydii oo isharfay oo i sooray. Intaas kadib ayaa mid dhalinyartaasi kamid ahaa wuxuu iisheegay in hooyaday ay dhimatay isla isbuucan gudahiisa. Haba yaraatee wax ilin ah uma qubin geeridii ku timid hooyaday, mana u murugoonin, waxaaban dareemay farxad iyo rayn rayn, balse wuxuu saaxiibkey igu war geliyey inuu ii haya dhambaal ay hooyadii iigu talo gashay oo ay ku tiri ”Sii wiilkeyga markii uu yimaado magaalladan ama aad aragto”.
Waxay dhambaalkaasi qortay ka hor maalmo yar inta aanay dhiman. Wuxuu durba ii keenay saaxiibkey dhambaalkii, oo anna si degey ayaan dhambaalkii u furay, wuxuu u qornaa sidatan. ”Wiilkeygii qaaliga ahayoow!! hooyo muddo warkaagu ma aanan helin mana doondoonin, waa aan ka xumahay hooyow inaan gurigaaga imid oo aan carruurta kaa argagax geliyey, waxaan kaa codsanayaa inaad iska kay saamaxdo waxaana kuu rajaynayaa farxad waarta. Aad baan u farxay markii aan maqlay in aad imanaysa magaalladan, balse sariirta ayaan kasoo dul kici waayay, waana kudhici waayay inaan wejigaada hor istaaga. Waxaan wiilkeygow kaaga warramayaa ilma nimadaadi markii ilma yar adigoo la cayaaraysid isha lagaa dhaawacay dabeetana ay kusoo dhacday, markaasoon isheyda midig kuu siibay. Sidaa oo ay tahay waan farxay oo aan aad ugu qancay waayo waxaan noqday wixii ay hooyo ahayd. Waxaa i farxad gelin jirtay mar waliba wiilkeyga quruxda badan ee la wada haweysto inuu isheydii qiimaha badnayd ku xaragooda. Inkastoo iley la ii arkayay haddana waan ku faraxsanaa arrintaas, waana ku faani jiray, waayo waxaan ahaa hooyo wax dhashay. Sidaa oo ay tahay waan ku jeclahay hooyo, kuwaar farxad. …………
Waxaan aqristaha sharafta leh weydiinayaa bal maxay kulla tahay qiimaha hooyo ay leedahay iyo diinteena sidda wanaagsan ay ugu hadlayso qiimaha hooyo? Door intee la’eg ayay ciyaartay hooyadaan sheekadaan ku xusan? Maxaa cashir ah oo aad ka baratay sheekadaan? Hooyo waa lama huraan Illaahay hanaga dhigo kuwii waalidkooda baari u noqda.

Aamiin Yaa Rabbi!

Xigasho.

Dhagartii Oogle W/Q : Ibraahin-Hawd Yuusuf Oktoobbar, 2005.Fiid cilcillaw ay sharka iyo khayrku kala carraabeen waxaa su...
08/10/2021

Dhagartii Oogle

W/Q : Ibraahin-Hawd Yuusuf
Oktoobbar, 2005.

Fiid cilcillaw ay sharka iyo khayrku kala carraabeen waxaa surin mugdi ah ka soo baxay noole dad iyo bahal u dhexeeya oo aad u dhuuban. Tallaabada dirqiga ah ee uu lawyaha isla dhacayo lagama garto qurbac muqlaysan. Laakiin marka uu soo dhowaadaba wuxuu sii yeelanayaa muuq bani aadam. Wuxuu gacmaha ku sitaa qori Ak ah oo isaga ka culus kaas oo afkiisa yuubani ka soo horreeyo. In uu daroogaysan yahay, in uu waalan yahay iyo in uu gaajaysan yahay intaba waa la moodi karaa. Nin da dhexaad ah oo keli lugaynaya ayuu dhankiisa qorigii ula dalanbaabiyey. Labadooda cid kale uma dhowa. Waxaa u dhow daaro burburay iyo waddooyin haawanaya oo mugdi iyo dhaxan ah. Waa magaalo u eg meel qunbulad durriye ku dhacay.

– Dhig lacagta, haddii kale wallaahi in aanan soddonka xabbadood mid kaaga reebayn!

Ninka la weeraray ma hubaysna haddana isma dhiibin mana cararin. Inta uu soo jeestay ayuu tallaabooyin digtoon dib u qaaday. Mintidnimada iyo yasidda dhimashada isaga iyo ka weerarka ahi waa iskaga mid waxaase la dheer yahay qoriga cabbaysan.

– Dhig lacagta, haddii kale adiga oo mayd ah ayaad dhigaysaa!

Maya, nin wax dhigaya uma ega. Tallaabooyinkii digtoonaa ayuu dib u sii wadaa. In uu mugdiga ku ordo ayuu malaha ku talo jiraa, yaase isugu simaya. Saddex xabbadood oo baas ah ayaa laabta ka daldalooliyey, naftuna waxay ka dhacday isla markii uu dhulka ku dhacay, isla markaas ayey gacan dhuubani lacagtii jeebkiisa kala baxday.

Ninkan maydka ahi markii uu salaadda maqrib ee uu masjidka ku tukaday ka baxay ayaa hoos loogu sheegay in xawaaladda loogu hayo lacag debedda uga timid. Hadalkaa waxaa maqlayey Oogle oo ah afar iyo labaatan jir aad caato u ah oo aan afar caanomaal oomato dhadhamin. Wax uu qabto iyo meel uu nolol ka raadiyo markii uu waayey ayuu masjidka iska galay ee tukashadu niyad k**a aha. Ninka lacagta loo sheegay, ka sheegay, meesha lagu sheegay iyo guriga la geynayo intaba wuu yaqaan. Intaba isaga waxaa uga dan ah in uu caawa helo wax uu cuno. Wax aan cunto ahayn k**a fekeri karo. Dad baa lacag haysta, dad baa dheregsan, dad baa faraxsan, dad baa…annagga yaa cadaabta nagu xukumay? Nolosha miyaa nalaga xigaa? Annaga oo gaajo isla taagi weynay kuwa safka salaadda ku daaco dhabanaya miyaanu bani aadam wada nahay? Sidaas ayuu isula hadlay iskuna gar siiyey markii uu goostay in uu wax dhaco.

Ninkii lacagta loogu yeedhay markii uu xagga xafiiska xawaaladda u dhaqaaqay ayuu Oogle isaguna u cararay meel uu qori ku ogaa. Wuu yaqaan waddada uu ninka lacagta doontay gurigiisa u maro. Meel dunsan oo bisado iyo xasharaad badan ayuu u sii galay. Intii uu sugayey wuxuu ka sii fekarayey cuntada uu caawa cuni doono. Wuxuu cuni doonaa raashinka baarka yaal oo dhan, haddii uu deeqi waayana wuxuu geli doonaa baar kale, ilaa uu dhergo. Wuxuu kale oo cuni doonaa qaad badan, jowaan dhan. Baqdinta ugu weyn ee uu qabaa waa lacagtaas oo tagsi lala raaco. Ma yaqaan waxa uu samayn doono haddii ay sidaas noqoto. Haddii uu guriga ku weeraro waa halis aad u weyn. Laakiin waaba kan hortiisa laafyoonaya. Odaygu weligii lacag intaas la’eg ma helin. Mid uu adeer u yahay oo Ingiriiska jira ayuu muddo dheer ka baryayey in uu u soo diro wax uu maatada dagaalka sokeeye ku caydhowday nolol ugu abuuro. Wax badan buu kaasi ka dhego adaygay, maanta ayuuse intan ka helay. Laba kun oo doollar waxay u tahay wax weyn.

Ninkii dhaca helay cashee qaad badanna ilaa waabberigii cun. Habeenkii iyo maalintii xigayna sida libaax dhergay ayuu hurday. Maalintii labaad wuxuu baabuur u raacay Itoobbiya. Waa ummad iswada dishay, kala qaxday oo la isuma galo. Ninka uu dilka u geystayna la xaafad iyo la qolo midna ma aha. Sidaa darteed dhagarta intaas la’eg qolo hebla mooyee qof hebel looma eedayn. Cidiba arrinta hebel ugama fekerin umana raadin. Cidiba shakhsi ahaan uma ogaan.

*

Ooridii laga geeriyooday markii ay murugadii saydgeeda mugdiga la dhigay ka soo kacday waxay hooyo iyo aabbe u noqotay toddoba carruur ah afar iyo toban jirku ugu weyn yahay kuwaas oo aan iyada mooyee cid kale wax ka sugayn. Neef ay qasho oo cadihiisa sii iibiso, kiintaal raashin ah oo ay amaahato dabadeed sii miisto, caano ay reer miyiga kala wareegto oo sii koombayso, qof xigto ah oo ay faraqa ku dhegto, habeen ay qadoodi ku seexiso iyo habeen ay afka wax u geliso, laba sano ayey toddobadii ilmood iyo nafteedaba meel bakhti iyo nolol u dhexaysay ku haysay. Dabadeed waxaa furmay f***j khayr leh.

Qofku si kasta oo uu Ilaahay ugu kalsoon yahay wuxuu filaa risiqu in uu u soo maro gacan kale, sida shaqo ama deeq. Laakiin iyada iyo carruurteedu risiqa Ilaahay ayey toos uga heleen, ama sidaas ayey moodeen. Waxay u arkayeen wax cirka uga soo daatay. Maalin iyada oo suuqa sonkor laga iibsan waayey hor fadhida ayuu nin wadaad ahi isa soo dul taagay una sheegay in laga doonayo xafiiska xawaaladda lacagaha. Qof qurbaha loo jiro oo keliya ayaa halkaa looga yeedhaa, qurbahana waxtar wax aan ahayna lagama fisho.

Sonkortii inta ay guriga u xambaartay oo kii carruurta u weynaa kaxaysatay ayey halkii looga yeedhay afka saartay.

– Magacaaga oo saddexan?
– Aamina Geelle Guutaale.
– Qoladaada?
– Reer Guhaad Gaydhan.
– Cidda aad u dhaxday?
– Reer Guluf Colaad.
– Waxaan kuu haynaa lacag iyo wacad. Boqol iyo konton doollar oo aad bil walba halkan ka qaadatid iyo qofka ay ka timid oo aadan na weydiin annaguna aannaan kuu sheegi karin.

Haa, sidaas ayuu risiqu cirka uga yimid. Afar sano oo maalintaas ka bilawday iyada iyo carruurteedu bil walba waxay joogto u helayeen boqol iyo kontonkaas doollar. Noloshooda wax badan baa iska beddelay. Wixii ay xooggooda kula soo baxaan waa gooni, waxayse yeesheen il irmaan oo ay u irkadeen. Waa kuwaas dad u egaaday ee iyaga oo maanta qadeeyey caawana cashayn kara. Si walba waxay isugu dayday in ay ogaato meesha ay lacagtu ka imanayso, ehel iyo aqoonnin cid kasta oo qurbaha jirta oo ay si uun u tuhuntay ayey ka war doontay, waxayse ogaatay caawimadu in ay xagga Rabbi ka imanayso.

*

Magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka nin doob ah oo soomaaliyeed ayaa goor galab ah ka soo baxay warshaddii uu ka shaqaynayey. Qolkii uu degganaa ayuu soofaha telefeeshinka hor yaal isku kala bixiyey si uu warka u daawado. Laakiin sabab uusan garanayn ayey mar keliya maskaxdiisa xasuuso ku soo hormadeen. Warkii uu daawanayey, meeshii uu joogay iyo xaaladdii uu ku jiray oo dhan ayuu ka dhex baxay. Dagaallo uu galay, dad uu laayey iyo kuwo hortiisa lagu laayey, guryo dumaya iyo qaar gubanaya, iyo wax la mid ah oo isdaba taxan ayuu xasuustay. Waxaasi awlba maskaxdiisa k**a ay bixi jirin, waase markii koowaad ee uu si dhammays tiran u wada arkay. Awel wuu ka nixi jiray oo isdiidsiin jiray, fekekiisana dhan kale u rari jiray, maantase si dhiirran ayuu u raacraacay. Gaar ahaan waddadii dheerayd ee Minnesota keentay ayuu dib u milicsaday. Dhul baas oo saxariir leh ayey la dhex martay. Ugu dambayn waxay ku dhammaatay habeen madow, oo qabow, oo gaajo iyo cabsi leh, iyo mayd hortiisa yaal.

Muddo dheer ayuu sidaas ahaa oo aad u fekerayey, oo mar kululaanayey marna qaboobayey, mar xanaaqayey marna naxayey. Dabadeed waxaa ku soo dhacday fikrad yaab leh oo baqdin iyo farxad wadajir ah gelisay. Cabbaar ayuu fikraddii maskaxda ku shiilay ilaa ay isu rogtay talo uu si buuxda ugu qancay. Wuu fududaaday oo culayskii dhabarka iyo wadnaha ka saarnaa laga qaaday. Sidii qof waashay ayuu kor u booday oo inta uu kabaha illaday debedda u cararay. Wuxuu jeebka ku qaatay boqol iyo konon doollar si uu talada uu goostay u fuliyo. Taladaas waxaa kale oo ku jiray in uu afar sano ka dib dlkii ku noqdo.

Markii uu dalka yimid saddexdii cisho ee ugu horreeyey wuxuu ku dhammaystay qaraabo salaan. Ehelkii iyo asxaabtii uu lixda sano ka maqnaa dareenka soo dhoweynta ah ee ku qaabbilay waxaa ku lammaanaa sagooti iyo dardaaran aan lala fahmin ee la mooday waalli qurbaha ka soo raacday. Maalintii afraad casarkii inta uu huteelkii uu degganaa ka toosay ayuu si fiican u xiirxiirtay oo hareed madow iyo timo gaaban la hadhay. Dabadeed inta uu qubaystay ayuu gashaday badlad nadiif ah oo aad u wada cad oo aan kafan la tolay laga garan. Xataa kabuhu way caddaayeen. Cadar uu jeclaa ayuu isku buufiyey, dabadeed laba iyo toban kun oo doollar maraykan ah oo baqshad ku jira jeebka hoose ee jaakadda gashaday debeddana u baxay.

Qorraxdu waa ay gaabatay oo kulaylkii ay maanta dunida ugu xoog sheegatay wuu ka dhammaaday, waxayna u sii tukubaysaa godkeeda. Waddada uu lugeeyey waa cammuud roobkii habeenh**e hoosta ka sii qoyan yahay. Aqoon isaga la da ah ayuu waddadan u lahaa, wejiyo kala duwan oo foolxumo iyo quruxba leh ayuu ka soo arkay, goortii tan ugu xigtayna aad ayuu u xasuusan yahay. Dadka dhan walba u qulqulayaa kuwii uu aqoon jiray ee uu qaarkood necbaa qaarna jeclaa maanta ma aha. Nacayb iyo jacayl toona uma hayo. Wuxuu dareemayaa in ay yihiin wada dulmiileyaal haddana wada dulman. Waxay ula muuqdaan dad ay taariikhda iyo mustaqbalku u yihiin qaddar iyo nasiib iska yimaadda oo iska taga, ee aanay u ahayn natiijo ka dhalata fekerkooda iyo falkooda. Waa dad dunida u arka meel la isku soo jujuubay, sidaa darteed ka firxanaya oo sida ugu dhakhso badan u dhimanaya. Darka wadka laga cabbo ayaa lagu wada qamaamayaa oo loo baratamayaa. Dhul, dawlad iyo dan la wadaago kala sheegadkoodu iyo ku dagaallankoodu waa qaar ka mid ah marmarsiinyo badan oo lagu raadinayo dhimashada la caashaqay. Dad sidaas ahi xaq uma leh in ay noloshooda adag canaantaan mar haddii ay iyagu doorteen. Fikradahaasi maskaxdiisa way iskaga soo dhaceen ee uma jeedin danna k**a lahayn. Naftiisa iyo cid kale toona taa ku canaanan maayo, waayo qudhiisa ayaa sita lambarka koowaad ee baratanka aakhiro loogu jiro.

Qorraxdii oo aan weli dhicin ayuu soo gaadhay aqal yar oo loox iyo jiingad ka samaysan. Waxaa hortiisa tusbax ku wardiyaysa haweenay konton jir ku qiyaasan. Wuu weji garanayaa, iyaduse maya. Way aragtaa ninka dheer ee ay ladnaanta iyo haybaddu naftiisa iyo hugiisaba ka muuqato ee iyada iyo albaabkeeda ku soo abbaaran. Dharka oo aan awelba ka daadsanayn ayey sii urursatay. Wuu bariidiyey una sheegay in uu reerka u socdo. Iyada oo aan waxba weydiin ayey daaradda ciidda ah kursi dheer u soo dhigtay dabadeed shaahkaris u dhaqaaqday. Markii uu soo galay wuxuu arkayey laba gabdhood oo sidii laba deero inta ay indho cadcad eegmada ka buuxsadeen gudaha u yaacay. Waxaa soo waydaartay barbaar labaatanka madaxa kala baxay oo macawis iyo funaanad yar gashan kaas oo leh weji iyo indho aad u naxariis daran oo eg qof aan weligii farxin. Inta uu ninkii martida ahaa afka iyo gacantaba ka salaamay ayuu kursi kale saddex tallaabo hortiisa soo dhigtay. Laga soo bilaabo habeenkii isaga oo afar iyo toban jir ah aabbihii la mawtiyey isaga ayaa reerka nin u ah oo waxii rag kala gala lagala xaajoodaa.

Meesha iyo munaasabadda ugu dambaysa ee aad qof ku kulantaan waxay kaa caawisaa garashadiisa xigta, kanise waa cirkasoodhac aan meel iyo munaasabad loo raaco lahayn. Si baa la isu indhogaranayaa, maskaxdana waxaa heehaabaysa xasuus dirqi ah oo illawsho ku dhex jirta. Sidaa darteed iswaraysigu waa googoos digtoon oo dhextaalku maqan yahay, intaasna eegmada ayaa la isku qodqodayaa oo xog aan ta afka uun ahayn la iskala baxayaa. Dumarku kulanka ka mid ma aha, erey walbase dhegta ayey ku hayaan. Shaacii madoobaa, shaahiina waa kan. Shaaha waxaa shaqo looga dhigay af hadal kale waayey ama ku dhici waayey. Hadalse waa run k**a rayste.

– Haybi waa summad ee isu kay sheeg?
– Haybi waa summad ee waxaan ahay nin reer Jiilaal ah.
– Haye?
– Waxaan u socdaa arrin aan caadi ahayn aanse rajaynayo in aad ila fahmi doontaan.
– Haye?
– Waxaan ahay ninkii aabbihiin dilay!
– Iyaa?
– Waa taas danta aan idiinku imid; lix sano hortood ninkii aabbihiin dilay in uu aniga yahay. Idiinma sheegi karo sabab falkaas igu kelliftay aan ahayn in aan ka mid ahaa waalli guud, ay ii dheerayd gaajo aan malaha aabbahayba ku dili lahaa. Isla habeenkii aan dhagartaas geystay ayaa nabad iyo degganaan nafsadeed iigu dambaysay. Labadii kun ee doollar waxay i geeyeen Maraykan oo aan markiiba degganaansho iyo shaqo ka helay, waxaanse galay cadaab aan ta aakhiro lagu sheego iiga duwanayn. Biilka waxaan idiinku soo diri jiray in aan damiirkayga bukooday ku daweeyo, kumaanse dawoobin. Ugu dambayn taladan ayaan ka fursan waayey. Geeri iyo nolol ta aad doontaan iigu taliya oo waa i kan. Laba iyo tobankaas kun ee doollarna agoonta wax ugu qabta.

Aamuska argagaxa leh ee golaha daboolay neefsiga sanka waa la wada maqlayaa. Dadka qoyska mid walba waxaa gaar u asiibay fajac iyo afkalaqaad. Qof waliba goonidiisa ayuu mooday in uu riyoonayo. Gabdhuhu huluushii ay xishoodka kula dhuuteen ka soo baxe, islaantu sagaal jirka reerka u yar ayey laabta ku qabsatay si ay u cuskato, ninkii loo warramayeyna kii warramayey ayuu ku gubayaa indho ay ka soo baxayaan inta dareen xun uu qof bani aadam ahi qabi karo. Dhagarqabuhu markii uu hadalka dhammeeyey lacagtiina miiska shaaha dul dhigay waa kaa sidii wax aan noolayn kursiga iska dul saaran oo dhawaaq iyo dhaqaaq laguma oga. Indhaha wuu kala hayaa haddana waxay eegayaan waxba. Wuxuu magan ama lahayste u yahay qaddarka uu isu dhiibay.

Goor dambe ayuu ninkii martida loo ahaa kacay oo qolkiisa galay, wuxuuna la soo noqday AK dabalaab ah. Intii uu la soo socday wuu cabbeeyey waxaana ka soo baxay dhawaaq argagax leh oo nafta u daran. Markaas ayey reerka inta kale gudaha u yaaceen oo dhegaha faraha wada gashadeen. Kursigii uu ka kacay dhabarkiisa ayuu isa soo taagay, wuxuuna qorigii cabbaysnaa si miiggan madaxa ugaga liishaamay ninkii kursiga yaxoobay oo aan far dhaqaajin. Far ma dhaqaajin ee sidii uu gam’ay ayuu madaxa iyo qoorta hoos u laallaadiyey, indhahana wuxuu ku beegay labadiisa kabood ee cadcad. Haddii uu aragga kor u yar qaadi lahaa wuxuu arki lahaa daloolka madow ee dhuunta qoriga oo u eg waddada aakhiro loo maro ama wadku soo maro. Aad ayuu xaaladdan naftiisa ugu soo diyaariyey, tababar dheer ayuuna u soo qaatay, sidaa darteed daqiiqaddan waxba k**a uu fekerayn. Waxaa saarnaa uun culays buur ka daran. Ma baqdin baa? Wuxuu sugayaa oo keliya in ay xabbadi kursiga dhanka ay doonto uga tuurto. Haddii ay naftu degdeg uga bixi waydana ka toogtay xoolo ma ah ee mid kale ayuu ku khaarajin. Khalaas, waa intaas uun. Markaa ka dib waxa uu la kulmi doono ama la kulmi doonin qayrkii ayuu la qabaa. Laakiin xabbadda baas maxay soo raagtay! Mise isaga ayaa raagsaday? Ma qiyaastii waqti ayaa ka luntay?

Halkii uu xabbadda ka sugayey waxaa kaga yimid cod ka soo baxay ninkii qoriga la dul taagnaa oo liishaanka dejiyey.

– Nolol ku beddelo laba shardi: in aadan arrintaa weligaa qof kale la soo qaadin, iyo in aadan meel aan joogo iyo magaalo aan ku nool ahay cag soo dhigin?

Qunya ayuu madaxa kor u qaaday oo ninkii la hadlayey wejigiisa cabbaar si miskiinnimo ah haddana yaabban u eegay.

– Ma ku noolaanaysaa labadaa shardi? ayuu kii hubaysnaa ku qayliyey isaga oo mar kale madaxa ka shiishaya.
– Haa, waa wacad.
– Ka bax albaabka, dibna yaanan kuu arkin.

Sidii askari la amray ayuu qunyar u jeestay haddana dhaqaaqay. Intii uusan irridka gaadhin ayaa haddana loo dhawaaqay:
– Soo noqo oo kaalay qaado lacagtaada!

Wuu istaagay oo sidii mayd gacan kale lagu maamulayo ama qof qallal qaba qunyar u soo jeestay.

– Intii aad lacagtaa igu khasbi lahayd i dil, ayuu yidhi oo yar hakaday dabadeed isaga oo aan hadal sugin dhaqaaqay.

Markii uu soo baxay wuxuu qabay dareen ah in uu soo dhintay oo aakhiro yimid. Wax waliba sidii h**e waa ay ka duwanaayeen. Neecawda sambabbada gelaysaa waa khafiif nadiif ah oo macaan, dhawaaqyadu waa sidii muusig aan h**e loo maqal, iftiinka nalalku waa midabyo cusub, dadkuna waa noole kii h**e qiimo dhaama. Ma jiraan wax sidii h**e ahi. Xataa qudhiisu wuxuu isla ahaa qof dunida ku cusub. Makhaayad ayuu yar fadhiistay oo shaah ka dalbaday, dabadeed aad u fekaray.

03/11/2019

Qeybtii koowaad ee dhacdada ka hadlaysa nin iyo xaaskiisa oo u dhashay dalka Mareykanka oo basaasnimo ku kacay waxaan ku hakiyey iyadoo haweenayda ay aqalkeeda kasoo xireen hawl-wadeenno ka socday xafiiska hay'ada dembi baarista ee FBI. halkii ayaan kasii amba qaadayaa ee la socod wanaagsan qeybta labaad.

Maxbuusadda Maria Del Rosario Casas Ames, oo 41 sanno jir aheyd, waxay ahayd xaaska sirdoonka caanka ah ee Aldrich Hazen Ames oo isaguna la xiray subaxaasi. Markii xabsiga FBI la keenay waxa la fariisayay kursi loogu talo galay oo la dhigay qol yar oo aan daaqad lahayn kuna dhex yaal xarunta xabsiga Magaalada Alexandria Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Waxa markiiba loo xiray dharka doogada ah ee jeelka oo ay ka dul xirnayd shaar cad iyo kabo iyaguna cadaan ah, timaheedii dheeraana waa laga gaabiyay isla markiiba, Wakhtigaasi Rosario wejigeedu wuxuu u muuqday sida qof xanuunka geeridu hayo.

Indhaheeda ayaa ka marag kacay xaaladda ay ku jirtay, way casaadeen hoosna way u dhigaysay iyadoo ka fikiraysay in maalinta Jimcaha lagu xukumo inay geysteen dembiyo basaasid iyo cashuurta dawladda oo ay khiyaameyeen iyada iyo ninkeedu.

Wada xaajood dhex maray iyada iyo garyaqaan loo soo diray waxay qiratay dembiga ah in ay basaas aheyd iyo in cashuurta dawladda oo ay khiyaameyeen iyada iyo ninkeedu.
Ninkeeda waxaa lagu tilmaamay inuu yahay Basaaskii ugu caansanaa ee taariikhad ku kaca falal burburinya CIA iyo qaranka Mareykanka isagoo sirtana bixin jirey una dusan jirey dalka Ruushka. Waxaana xukunkiisu noqon karaa xabsi daa’in.

Laakiin iyada marka la eego heshiiskii qirashada dembiga waxa ay waajahysaa xukun ugu yaraan noqon kara 63 bilood. Waxaase garsooruhu ikhtiyaar u leeyahay in uu xukumi karo ilaa 10 sano. Hadda waxay heshay Qareen cusub John Hume oo ku casuumay laba weriye, Wargeys iyo Telefishan ka socda kaasi oo doonayay inay waraysi ka qaadaan inta aan xukunka lagu ridin. Xaakinka Cluade M. Hilton, waxa uu sheegay in marka qisada ay dhinaceeda si dhab ah uga hadasho inuu Qaadiga Hilton ula dhaqmi doono si naxariis leh.

Waxa keliya ee la gudbooni waa inay si taxadar leh oo run ah wax u sheegto. Waxay si fiican oo degdeg badan ugu hadlaysay English iyadoon joogsi lahayn, sababtuna waa iyada oo ka mid ahayd miraha ardaydii wax ku bartay dugsiga Mareykanka ah ee ku yaala dalka Colombia gaar ahaan Magaalada Bogota. Su’aal kasta waxay uga jawaabaysay si wanaagsan iyadoo hal daqiiqo sharax kooban ku bixinaysay, madaama faahfaahintu ay tahay tan ay ku badbaadayso.

Waxayse mararka qaarkood u muuqanaysay mid warersan oo ka naxsan xaaladda ay markaasi ku jirto.

Waxay ku kacaysay inay su’aalaha qaarkood diido iyadoo caraysan oo weliba murugo ka muuqato. “ taasi isaga weydiiya, maxaad aniga arinkaasi ii weydiinaysaa ma xafiiskiina ayaan ka shaqaynayay oo aan wax ka oga ahay”. Iyadoo caraysan oo quusi ka muuqato ayay kelmadahaasi ka soo baxayeen.

Walaal intaas ayaan ku hakinayaa qeybtii labaad ee warbixintan La soco qaybta sadexaad beri Insha allah.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

W/T: Abdullahi Nur Colombo

02/11/2019

Wargeyska caanka ah ee The Washington Post ayaa mar sii h**eysay qoraal lagu daabacay waxaa uu kusoo bandhigay dhacdo basaasnimada la xiriirta oo ay ku kaceen nin iyo xaaskiisa u dhashay dalka Mareykanka waxaana uu ku bilaabay qoraalkiisa sidan:

Bishii February 21-kedii Sannadkii 1994-kii xili aroor ama subax h**e ahayd kuna beegnayd maalin fasax ah ayaa gabadh magaceedu yahay Rosario Ames waxa ay joogtay gurigeeda iyadoo uu wehelinayey wiilkeeda yar ee 5 jirka ah ee lagu magacaabo Paul.

Subaxaasi ninkeeda oo magaciisu yhay Rick waxaa looga yeeray xafiiska hay'ada sirdoonka Mareykanka ee CIA-da oo uu ka ahaan jiray sarkaal ka hawlgala, taasina may ahayn mid caado ahaan jirtay in wakhtiyada fasaxa xafiisku u baahdo sarkaalkan.

Hooyadeed oo ahayd Miss.Cecilia, subaxaasi waxay huruday qolka martidda, waxayna ka timmi magalaadda Bogota ee dalka Colombia, iyadoo aad ugu xiistay aragtida inanteeda ama gabadheeda Rosario iyo weliba codsi ay ka dalbatay inanteedu ama gabadheedu inay u timaado.

Markii Jalaska ama gambaleelka Albaabka guriga ee dhinaca waqooyi dhawaqiisu baxay, Rosario waxay ku jirtay qolka hurdada ee dabaqa sare, iyadoo hagaajinaysay, wakhtigaasi may filayn qofna inuu albaabka ku soo garaaco sidii ay ahaan jirtay. Markii uu qofka shaqaalaha guriga u tegay inuu ogaado qofka albaabka garaacaya, Rosario ayaa iyana dabaqa sare ka jaleecday waxayna aragtay inay taagan yihiin nin iyo gabar Uur weyn leh.

Rosario ayaa u soo degtay iyadoo doonayso inay salaanto isla markaana ogaato, markii ay u timmi waxay ka codsadeen inay dibedda ugu soo baxdo.

Labada qof waxay markiiba u sheegeen inay yihiin hawl-wadeenno ka socda xafiiska hay'ada dembi baarista ee FBI. Waxa kale oo ay intaasi u raaciyeen inay xireen ninkeedii iyadoo loo haysto basaasnimo isagoo dal kale sirta Mareykanka u gudbinayey iyadana ay sidoo kale basaasnimo ku tuhmayaan haddana ay xirayaan sidaasna ay ula socoto.

Rosario cabsi iyo argagax ay is dhaqaajin kari weyday ayaa asiibtay, Waxay rumaysan kari weyday waxa horteeda ka dhacaya. Waxayna ka codsadeen inay raacdo iyadoo wax cabsi ah is gelin. Waxa kale oo ay ku wargeliyeen inay dahabkeeda iska furto oo ay shandada ama boorsada gurigeeda kaga timaado.

Markiiba qolka martida ayay si degdeg uga toosisay hooyadeed iyada oo la socodsiisay inay si dhakhso ah u lebisato iyo weliba in ninkeedii la xiray. Waxa kale oo ay hooyadeed fartay inay guriga iskaga baxaan isla markaana ay kaxayso wiilkeeda yar ee Pual oo ay labadooduba tagaan guriga gabadha ay walaalo yihiin ninkeeda oo aan sidaasi uga fogayn, tilmaamahaasi oo dhan markay bixinaysay waxay ahayd maxbuusad ay barbar taagan tahay gabadha ka socota xafiiska sirdoonka gudaha FBI ee Mareykanka.

Hooyadeed weerahan ama hadalkan aad ayay uga naxaday, maxaa yeelay arrimahan lamay socon xataa in Rosario ninkeeda Rick uu ka sheqeeyo CIA. Rosario ayaa guriga ka soo baxday iyadoo xidhan jaakeet suuf ah. Wiilkeeda yar ee Paul wuxuu isagoo werwersan ku sugayay hoolka, markii ay soo baxday way ku dhegtay oo dhunkatay waxayna u sheegtay inay dadkan raacayso laakiin ay dhakhso u soo noqon doonto. Waxay si xoog leh u xak**aysay nafteeda sidaa awgeed, muu dareemin wiilkeeda yari ilmadeeda.

Gabadha Rosario markii ay dibadda u baxday ee ay albaabka gurigeeda xirtay, waxay ka war heshay in gurigooda ciidan ku wareegsanaa. Gaadiid iyo rag sita qalabka isgaarsiinta ayaa dhinac kasta taagnaa, waddada iyo guriga hareerihiisa waxay ahaayeen sidii goob weerar lagu qaadayo. Gabadha Uurka leh ayaa dhudhunka qabtay waxay u leexisay dhinaca gaarigeeda oo ay saartay, waxayna ku tiri : “Waxba ha werwerin” aniguba hooyo ayaan ahay sidaada oo kale, waan fahansannay, waxa aad ka fikirayso. Haddii aad si degan oo run ah noo caawiso oo noola shaqayso, wiilkaaga yar beri ama maalinta ku xigta ayaad ku soo noqon doontaa.”

Walaal intaas ayaan ku hakinayaa qeybtii koowaad ee warbixintan La soco qaybta labaad beri Insha allah.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

W/T : Abdullahi Nur Colombo

Address

G
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dhaameel Agriland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category