26/06/2026
“Sorta Nolosha” Abwaan Hadraawi
Qoraal kooban oo aan ka sameeyay qayb kamida maansadiisa hal-muceedka ah ee "Sirta nolosha"
Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” wuxuu ahaa abwaan Soomaaliyeed oo caan ku ah suugaanta hodanka ah, gabayada, iyo maansooyinka siyaasadda, dhaqanka, iyo jacaylka. Wuxuu bulshada ku baraarujiyay wacyiga, cadaaladda, iyo mas’uuliyadda. Hadraawi wuxuu gabayadiisa ku cabiray xikmad, murti, iyo dareen qoto dheer oo ku saabsan nolosha iyo dhibaatooyinka bulshada. Suugaantiisa ayaa noqotay il-dheer oo loogu talagalay hanuunka iyo dhiirrigelinta qaranka Soomaaliyeed. Waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa codka iyo cardigan hadba iftiimiya waxyaaba foolxumooyinka ah ee bulshada lagu dhaqo.
Furitaanka Maansada
“Saaxiibkayow heedhe
Safar baan ka imi dheere
Marka h**e salaan diirrran
Marka xiga samow heedhe”
Hadraawi wuxuu ku bilaabayaa salaan diiran, taasoo ah bilowga wacyigelinta. Waxay muujinaysaa in qofka uu soo maray safar dheer oo nolosha ah, safar u baahan fiiro gaar ah. "Samow heedhe" waxay tilmaamaysaa in xigashada talo iyo garaad ay muhiim tahay, waxaana laga dareemayaa in bulshada ay u baahan tahay garasho iyo faham qoto dheer.
Qiimaha Suugaanta iyo Dhaqanka
“Suugaanta yaabkeeda
Salka iyo fadhaa keena
Marka xiga sugnaanteeda
Socodkiyo falkaa sheega
Xeerkeedu waa saase.”
Halkan Hadraawi wuxuu sharaxayaa muhiimadda suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Suugaantu waa aas-aaska fahamka iyo xeerarka bulshada. “Xeerkeedu waa saase” micnaheedu waa in hab-raaca iyo nidaamka nolosha uu ku dhisan yahay suugaanta, taasoo astaan u ah xeerarka iyo anshaxa bulsho.
Aqoonsiga iyo Xaalada Qofka
“Sirsirraan ka joogaaye
Xadhiggiyo bal eeg suunka
Iyo sabarka gaadiidey
Iyo salabka ii qaaran
Iyo suudha guudkayga”
Hadraawi wuxuu halkan tilmaamayaa xaaladda qofka iyo mas’uuliyadiisa. “Sirsirraan ka joogaaye” waxay ka dhigan tahay qofka inuu ka warqabo waxa ku xeeran noloshiisa, isagoo ilaalinaya sharafka, dhaqanka, iyo mas’uuliyadda bulsho. Tuducyadani waxay muujinayaan in qofka iyo bulshada ay leeyihiin xeerar iyo nidaamyo muhiim ah oo lagu hago nolosha.
Dhiirrigelinta Nolosha iyo Maareynta
“Hilaygiyo waxaan saabka
U gilgiley Samaw haanta
Subag inay ku dhiiqdaaye
Saasay ku badisaaye
Sannad weliba xeeshiiye”
Halkan, Hadraawi wuxuu muujinayaa sida nolosha loo qorsheeyo, loona maareeyo si xikmad leh. “Sannad weliba xeeshiiye” micnaheedu waa in waqtiga iyo hawlaha nolosha la qorsheeyo si ay uga faa’iidaystaan qofka iyo bulshada. Waxaa sidoo kale laga dareemayaa in Hadraawi ka digayo wax kasta oo qaldan oo nolosha carqaladeeya.
Garashada iyo Talada
“Marka xiga Samaw heedhe
Talo sibiq dhaqaaqeeda
Soof-daran habawgeeda
Sal-fudaydka hooggiisa”
Tuducyadani waxay xoojinayaan muhiimadda talada iyo garashada. Hadraawi wuxuu ku boorinayaa in qofku fahmo saameynta ficiladiisa iyo go’aanadiisa. “Talo sibiq dhaqaaqeeda” micnaheedu waa in talada iyo ficilka ay yihiin kuwa isku xiran, lagana maarmaan nolosha.
Fahamka Xaaladaha Bulshada
“Raqda solan lafaa soogan
Bal su'aal u celi meydkan
Sababtuu u go'ay raadi
Bal dhegeyso saylaanka”
Halkan Hadraawi wuxuu muujinayaa in qofka uu fahmo sababaha ka dambeeya dhacdooyinka bulsho. “Bal su'aal u celi meydkan” waxay astaan u tahay baaritaan, faham, iyo ka-fiirsasho ka hor inta aan la gaadhin go’aan. Waxaa ka muuqata in Hadraawi bulshada ku baraarujinayo muhiimadda xisaabinta iyo garashada nolosha.
Taariikhda iyo Soo Noqoshada
“Waxaan adiga kuu saantay
Dadka kaaga soo soocay
Sahra kuugu yeedh-yeedhay
Siduu aabbahaa heedhe
Samo ii faraan heedhe”
Hadraawi wuxuu halkan ka hadlayaa taariikhda iyo raad-raaca qoyska iyo bulshada. “Sahra kuugu yeedh-yeedhay” waxay muujinaysaa in qofka uu leeyahay xidhiidh bulsho oo muhiim ah, oo u baahan ilaalin. Qoraalka wuxuu tilmaamayaa in soo-noqoshada iyo xusuusta taariikhdu ay yihiin qayb ka mid ah garaadka iyo garashada nolosha.
Sharaf iyo Mas’uuliyad
“Garashadu Sahraay ruuxa
Sed u gaara weeyaane
Haddii uu saamigaas yeeshay
Qurux ma leh saluuggeedu”
Hadraawi wuxuu halkan muujinayaa in qofka sharaf iyo mas’uuliyad uu leeyahay ay tahay in uu si wanaagsan u isticmaalo. “Sed u gaara weeyaane” micnaheedu waa in qofku uu yeesho go’aan sax ah oo mas’uuliyad ku dhisan, halkii uu ka lumin lahaa anshax iyo xeerar.
Ilaalinta Bulshada iyo Nabadda
“Samo iyo ku doon heedhe
Dunidiyo sinnaanteeda
Ku dawee sawaaceenka
Iyo siica daacuunka
Ku burburi sarbaa mooska”
Halkan, Hadraawi wuxuu ka hadlayaa ilaalinta nabadda, sinnaanta iyo horumarka bulshada. Tuducyadani waxay muujinayaan in mas’uuliyad kasta oo qofka ka saaran bulshada ay tahay in si xikmad leh loo fuliyo, lagana hortago burbur iyo fowdo.
Gabagabo iyo Fariin Guud
“Garashiyo sugnaan hoyso
Falka sami ha kuu raaco
Mana jiro sed kaa baaqday
Ilbaxnimadu saas weeye
Sirta noloshu taas weeye.”
Hadraawi wuxuu ku soo gunaanadayaa in fahamka, garashada, iyo talada wanaagsan ay yihiin furayaasha nolosha. Sirta noloshu waa in qofku ku dhaqmo xeerarka bulsho, suugaanta, iyo dhaqanka, si uu u gaaro nolol wanaagsan oo cadaalad iyo sharaf ku dhisan.
Fahan kooban.
Maansada “Sorta Nolosha” waa mid qoto dheer oo muujinaysa garashada, mas’uuliyadda, dhaqanka, suugaanta, iyo talada nolosha. Hadraawi wuxuu si heer sare ah ugu cabiray sida qofka iyo bulshada ay ugu baahan yihiin xeerar, faham, iyo hab-dhaqan wanaagsan. Tuduc kasta wuxuu leeyahay macne gaar ah, laakiin dhammaantood waxay ku saabsan yihiin sidii qofka iyo bulshadu u heli lahaayeen nolol cadaalad iyo horumar ku dhisan
Naxariista ugu deeq rabow, adoon dadkiisu jecelyibiin ayuu ahaaye.
Somali Mindset