Somali Mindset

Somali Mindset Fadlan Kala Soco Arimaha Ciyaaraha ,warar Sugan iyo Muuqaalo xiiso leh

“Sorta Nolosha” Abwaan HadraawiQoraal kooban oo aan ka sameeyay qayb kamida maansadiisa hal-muceedka ah ee "Sirta nolosh...
26/06/2026

“Sorta Nolosha” Abwaan Hadraawi

Qoraal kooban oo aan ka sameeyay qayb kamida maansadiisa hal-muceedka ah ee "Sirta nolosha"

Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” wuxuu ahaa abwaan Soomaaliyeed oo caan ku ah suugaanta hodanka ah, gabayada, iyo maansooyinka siyaasadda, dhaqanka, iyo jacaylka. Wuxuu bulshada ku baraarujiyay wacyiga, cadaaladda, iyo mas’uuliyadda. Hadraawi wuxuu gabayadiisa ku cabiray xikmad, murti, iyo dareen qoto dheer oo ku saabsan nolosha iyo dhibaatooyinka bulshada. Suugaantiisa ayaa noqotay il-dheer oo loogu talagalay hanuunka iyo dhiirrigelinta qaranka Soomaaliyeed. Waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa codka iyo cardigan hadba iftiimiya waxyaaba foolxumooyinka ah ee bulshada lagu dhaqo.

Furitaanka Maansada

“Saaxiibkayow heedhe
Safar baan ka imi dheere
Marka h**e salaan diirrran
Marka xiga samow heedhe”
Hadraawi wuxuu ku bilaabayaa salaan diiran, taasoo ah bilowga wacyigelinta. Waxay muujinaysaa in qofka uu soo maray safar dheer oo nolosha ah, safar u baahan fiiro gaar ah. "Samow heedhe" waxay tilmaamaysaa in xigashada talo iyo garaad ay muhiim tahay, waxaana laga dareemayaa in bulshada ay u baahan tahay garasho iyo faham qoto dheer.

Qiimaha Suugaanta iyo Dhaqanka

“Suugaanta yaabkeeda
Salka iyo fadhaa keena
Marka xiga sugnaanteeda
Socodkiyo falkaa sheega
Xeerkeedu waa saase.”
Halkan Hadraawi wuxuu sharaxayaa muhiimadda suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Suugaantu waa aas-aaska fahamka iyo xeerarka bulshada. “Xeerkeedu waa saase” micnaheedu waa in hab-raaca iyo nidaamka nolosha uu ku dhisan yahay suugaanta, taasoo astaan u ah xeerarka iyo anshaxa bulsho.

Aqoonsiga iyo Xaalada Qofka

“Sirsirraan ka joogaaye
Xadhiggiyo bal eeg suunka
Iyo sabarka gaadiidey
Iyo salabka ii qaaran
Iyo suudha guudkayga”
Hadraawi wuxuu halkan tilmaamayaa xaaladda qofka iyo mas’uuliyadiisa. “Sirsirraan ka joogaaye” waxay ka dhigan tahay qofka inuu ka warqabo waxa ku xeeran noloshiisa, isagoo ilaalinaya sharafka, dhaqanka, iyo mas’uuliyadda bulsho. Tuducyadani waxay muujinayaan in qofka iyo bulshada ay leeyihiin xeerar iyo nidaamyo muhiim ah oo lagu hago nolosha.

Dhiirrigelinta Nolosha iyo Maareynta

“Hilaygiyo waxaan saabka
U gilgiley Samaw haanta
Subag inay ku dhiiqdaaye
Saasay ku badisaaye
Sannad weliba xeeshiiye”
Halkan, Hadraawi wuxuu muujinayaa sida nolosha loo qorsheeyo, loona maareeyo si xikmad leh. “Sannad weliba xeeshiiye” micnaheedu waa in waqtiga iyo hawlaha nolosha la qorsheeyo si ay uga faa’iidaystaan qofka iyo bulshada. Waxaa sidoo kale laga dareemayaa in Hadraawi ka digayo wax kasta oo qaldan oo nolosha carqaladeeya.

Garashada iyo Talada

“Marka xiga Samaw heedhe
Talo sibiq dhaqaaqeeda
Soof-daran habawgeeda
Sal-fudaydka hooggiisa”
Tuducyadani waxay xoojinayaan muhiimadda talada iyo garashada. Hadraawi wuxuu ku boorinayaa in qofku fahmo saameynta ficiladiisa iyo go’aanadiisa. “Talo sibiq dhaqaaqeeda” micnaheedu waa in talada iyo ficilka ay yihiin kuwa isku xiran, lagana maarmaan nolosha.

Fahamka Xaaladaha Bulshada

“Raqda solan lafaa soogan
Bal su'aal u celi meydkan
Sababtuu u go'ay raadi
Bal dhegeyso saylaanka”
Halkan Hadraawi wuxuu muujinayaa in qofka uu fahmo sababaha ka dambeeya dhacdooyinka bulsho. “Bal su'aal u celi meydkan” waxay astaan u tahay baaritaan, faham, iyo ka-fiirsasho ka hor inta aan la gaadhin go’aan. Waxaa ka muuqata in Hadraawi bulshada ku baraarujinayo muhiimadda xisaabinta iyo garashada nolosha.

Taariikhda iyo Soo Noqoshada

“Waxaan adiga kuu saantay
Dadka kaaga soo soocay
Sahra kuugu yeedh-yeedhay
Siduu aabbahaa heedhe
Samo ii faraan heedhe”
Hadraawi wuxuu halkan ka hadlayaa taariikhda iyo raad-raaca qoyska iyo bulshada. “Sahra kuugu yeedh-yeedhay” waxay muujinaysaa in qofka uu leeyahay xidhiidh bulsho oo muhiim ah, oo u baahan ilaalin. Qoraalka wuxuu tilmaamayaa in soo-noqoshada iyo xusuusta taariikhdu ay yihiin qayb ka mid ah garaadka iyo garashada nolosha.

Sharaf iyo Mas’uuliyad

“Garashadu Sahraay ruuxa
Sed u gaara weeyaane
Haddii uu saamigaas yeeshay
Qurux ma leh saluuggeedu”
Hadraawi wuxuu halkan muujinayaa in qofka sharaf iyo mas’uuliyad uu leeyahay ay tahay in uu si wanaagsan u isticmaalo. “Sed u gaara weeyaane” micnaheedu waa in qofku uu yeesho go’aan sax ah oo mas’uuliyad ku dhisan, halkii uu ka lumin lahaa anshax iyo xeerar.

Ilaalinta Bulshada iyo Nabadda

“Samo iyo ku doon heedhe
Dunidiyo sinnaanteeda
Ku dawee sawaaceenka
Iyo siica daacuunka
Ku burburi sarbaa mooska”
Halkan, Hadraawi wuxuu ka hadlayaa ilaalinta nabadda, sinnaanta iyo horumarka bulshada. Tuducyadani waxay muujinayaan in mas’uuliyad kasta oo qofka ka saaran bulshada ay tahay in si xikmad leh loo fuliyo, lagana hortago burbur iyo fowdo.

Gabagabo iyo Fariin Guud

“Garashiyo sugnaan hoyso
Falka sami ha kuu raaco
Mana jiro sed kaa baaqday
Ilbaxnimadu saas weeye
Sirta noloshu taas weeye.”
Hadraawi wuxuu ku soo gunaanadayaa in fahamka, garashada, iyo talada wanaagsan ay yihiin furayaasha nolosha. Sirta noloshu waa in qofku ku dhaqmo xeerarka bulsho, suugaanta, iyo dhaqanka, si uu u gaaro nolol wanaagsan oo cadaalad iyo sharaf ku dhisan.

Fahan kooban.
Maansada “Sorta Nolosha” waa mid qoto dheer oo muujinaysa garashada, mas’uuliyadda, dhaqanka, suugaanta, iyo talada nolosha. Hadraawi wuxuu si heer sare ah ugu cabiray sida qofka iyo bulshada ay ugu baahan yihiin xeerar, faham, iyo hab-dhaqan wanaagsan. Tuduc kasta wuxuu leeyahay macne gaar ah, laakiin dhammaantood waxay ku saabsan yihiin sidii qofka iyo bulshadu u heli lahaayeen nolol cadaalad iyo horumar ku dhisan

Naxariista ugu deeq rabow, adoon dadkiisu jecelyibiin ayuu ahaaye.

Somali Mindset

Meeqaa like 👍  ayuu Uu qaalmaa Mr Goals?
23/06/2026

Meeqaa like 👍 ayuu Uu qaalmaa Mr Goals?

Cristiano Ronaldo, ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka 2026, isagoo shabaqa soo taabtay daqiiqadih...
23/06/2026

Cristiano Ronaldo, ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka 2026, isagoo shabaqa soo taabtay daqiiqadihii h**e ee ciyaarta ay Portugal la leedahay Uzbekistan ee wareegga guruubyada.

Goolkan Ronaldo ayaa si degdeg ah uga jawaabay dhaleeceynihii ka dhashay kulankii furitaanka ee ay barbaraha la galeen DR Congo. Portugal ayaa hadda hoggaanka ku haysa 2-0.

18/06/2026
KAHOR CAAWA YAMAL Wuxuu Macalinka Atletico ka baryay inuu asxaan u sameeyo kaas oo ah in kaliya hal xidig uu raacdo oo a...
14/04/2026

KAHOR CAAWA YAMAL Wuxuu Macalinka Atletico ka baryay inuu asxaan u sameeyo kaas oo ah in kaliya hal xidig uu raacdo oo ah xidigo badan uusan kasoo adeejin

25/03/2026

Ganacsatada iyo qoraaga Robert Toru Kiyosaki oo dad badan ay ku aqoonsadaan buugga uu qoray ee Rich Dad Poor Dad, ayaa soo bandhigay sharraxaad ku saabsan, sababta ay Iiraan u weerarrayso Imaaraadka Carabta in ka badan Israa’iil.

Wuxuu yiri ;

Iiraan waxay Imaaraadka Carabta u weerartay wax ka badan intii ay Israa’iil weerartay.

Imaaraadku hal gantaal oo keliya kuma ridin Iiraan. Midna ma ridin.

Imaaraadku si cad ayuu u mamnuucay in dhulkiisa iyo hawadiisa loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iiraan. Xitaa sannado badan waxay Tehraan la lahaayeen isfaham diblomaasiyadeed oo deggan oo hoose u socday.

Laakiin haddana Iiraan waxay si ka xoog badan u weerartay Imaaraadka intii ay Israa’iil weerartay.
Markii dagaalku gaaray maalintii 13-aad, Iiraan waxay Imaaraadka keliya ku gantay 314 gantaal oo ballistic ah, 15 gantaal oo cruise ah, iyo 1,672 diyaaradood oo aan duuliye lahayn.

Wax ka badan kala bar dhammaan gantaallada iyo diyaaradaha ay Iiraan ku weerartay dalalka Khaliijka waxay ku beegsatay Imaaraadka.

Wadarta guud waxay dhaaftay 3,000 gantaal iyo diyaaradaha Ana duuliyaha lahayn, kuwaas oo lagu beegsaday dal aan wax door ah ku lahayn bilowga dagaalkan.

Maxay sidaas u samaysay?

Jawaabtu ma aha mid ciidan.

Waa arrin dhaqaale.

Markaad taas fahamto, dagaalkan oo dhan si kale ayaad u arki doontaa.

Haddaba, maxay Iiraan dhab ahaantii u beegsanaysaa?

Bishii May 2025, Madaxweyne Trump wuxuu booqday dalalka Khaliijka safar noqday kii dhaqaale ahaan ugu saameynta badnaa ee madaxweyne Maraykan ahi sameeyo xilligan casriga ah.

•Sacuudiga,600 bilyan oo doollar ayay u ballanqaadday Mareykanka.

•Qatar, waxay la gaartay Mareykanka heshiis dhaqaale oo gaaraya 1.2 tirilyan oo doollar

•Imaaraadka, wuxuu sidoo la gaaray Mareykanka heshiis qorshe maalgashi oo 10 sano ah oo gaaraya 1.4 tirilyan oo doollar , iyadoo heshiisyadan ay diiradda saarayaan horumarinta barnaamijyada AI-da, tiknoolajiyada sare, semiconductor-ka, tamarta iyo wax-soo-saarka.

Wadarta guud, dalalka khaliijka waxay Trump siiyeen heshiisyo gaaraya in ka badan 2 tirilyan oo doollar oo maalgashi Khaliijku ku sameynayo Mareykanka.

Ballanqaadka 1.4 tirilyan ee Imaaraadka keliya wuxuu la egyahay ku dhowaad 30% wax-soo-saarka guud ee dhaqaalaha Abu Dhabi.Taasi waxay ka dhigan tahay dal mustaqbalkiisa dhaqaale si weyn ugu xiraya Mareykanka.

Trump wuxuu sidoo kale oggolaaday in Imaaraadka sannad kasta la siiyo 500,000 oo ka mid ah chip-yada AI-da ee ugu horumarsan shirkadda Nvidia.

Microsoft waxay ballanqaadday 15 bilyan oo doollar.

Amazon, Google iyo shirkadaha waaweyn ee tiknoolajiyada Mareykanka dhammaantood waxay dhisayeen xarumo xogeed oo ku yaalla Dubai iyo Abu Dhabi.

Imaaraadku ma ahayn oo keliya dal shidaal leh,wuxuu isu beddelayay caasimadda AI-ga ee Bariga Dhexe.

Wuxuu noqday xarun dhaqaale oo isku xiraysa Bariga iyo Galbeedka. Wuxuu noqday tusaalaha dhaqaalaha casriga ah ee Carabta. Qaab-dhismeedkaas oo dhanna waxaa si buuxda loogu dhisay iskaashi Mareykan.

Maamulaha guud ee ADNOC oo ah shirkadda shidaalka qaranka Abu Dhabi, wuxuu weerarrada ay Iiraan ku qaaday kaabayaasha tamarta Imaaraadka ku tilmaamay “dagaal dhaqaale oo caalami ah.” Ma uusan oran dagaal ciidan. Wuxuu yiri dagaal dhaqaale.

Iiraan waxay beegsatay warshadda sifeynta shidaalka ee Ruwais, taas oo ah tan ugu weyn Bariga Dhexe.
Waxay beegsatay dekedda Jebel Ali, oo ah halbowlaha ganacsi ee u adeegta saddex bilyan oo qof oo ku nool aag dhan 3,500 kiiloomitir.

Waxay beegsatay garoonka diyaaradaha Dubai International Airport, oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan dunida.

Waxay garaacday xarun xogeed oo Amazon leedahay, taas oo carqalad gelisay adeegyada cloud-ka ee gobolka.

Kuwaas ma aha bartilmaameedyo ciidan.Waa kaabayaasha dhaqaale ee heshiiska Mareykanka iyo Imaaraadka ee gaarayay 1.4 tirilyan oo doollar.

Haddaba, tani waa falanqayntayda anigoo ah qof bartay sida lacagta iyo awooddu u shaqeeyaan muddo 50 sano ah.

Iiraan ciidan ahaan k**a adkaan karto Mareykanka. Taasi xitaa dood k**a taagna.

Laakiin Iiraan waxay fahamsan tahay wax aan dad badani garanayn.

Hubka ugu awoodda badan dunida ma aha gantaal.
Waa burburinta dhaqaale.

Istaraatiijiyadda Iiraan waa mid aad u adag, laakiin si xeel dheer loo dhisay.

Imaaraadku waa meesha ay lacagtu taallo.Waa meesha ay shirkadaha tiknoolajiyada Mareykanku ka dhisteen xarumahooda Khaliijka. Waa meesha lagu horumarinayo kaabayaasha AI-ga Mareykanka.

Waa meesha ay ahayd in uu ku qulqulo ballanqaadka 1.4 tirilyan.
Markaa , waxay Iiraan qaadatay istaraatijiyad ah burburi meeshaas.Ka dhig meel aysan xasillooni ka jirin
Ka dhig meel aan maalgelin lagu sameyn karin.

Ka dhig agaasime kasta oo shirkad weyn oo Silicon Valley ah inuu is weydiiyo, runtii ma ku habboon tahay in xarumaheena xogta laga dhiso goob dagaal?

Haddii taas lagu guuleysto, heshiiska 1.4 tirilyan wuu burburayaa.

Shirkadaha tiknoolajiyada Mareykanka way baxayaan.

Qaabkii Imaaraadka wuu fashilmayaa.

Farriinta loo dirayo dal kasta oo Carbeed oo ka fikiraya iskaashi qoto dheer oo uu la yeesho Mareykanka waxay noqonaysaa: bal eega wixii ku dhacay Dubai.
Taasi waa bartilmaameedka.

Ma aha Israa’iil.
Ma aha askarta Mareykanka.
Waa qaab-dhismeedka dhaqaale ee isku xiraya Mareykanka iyo Khaliijka.

Aabbahaygii taajirka ahaa wuxuu i baray cashar aad muhiim u ah oo ku saabsan dagaalka iyo ganacsiga.
Wuxuu yiri: “Cadowgaaga ha kula dagaallamin meesha uu ku xooggan yahay. Ku weerar meesha uu ka nugul yahay.”

Ciidanka Mareykanka waa mid aad u xoog badan. Iiraan taas way ogtahay.

Laakiin dhaqaalaha Mareykanka? Qiimaha shidaalka? Suuqa saamiyada? Iskaashiyada tiknoolajiyada?
Kuwaas waa meelaha nugul.

Imaaraadkuna, maadaama uu yahay lammaanaha dhaqaale ee ugu degdegga badan ee Mareykanka ku leeyahay gobolka, isla markaana uu yahay tiirka qorshaha maalgashi ee 2 tirilyan ee Khaliijka, waa meesha ay Iiraan ka heshay daldalooladaas.

Ciidanka ilaalada kacaanka (IRGC)lafteedu way xaqiijisay tan markii ay sheegeen in 60% awoodooda weerar ay u adeegsadeen danaha istaraatiijiga ah ee Mareykanka ku leeyahay dalalka Carabta ee deriska ah.

Ma aysan oran saldhigyo ciidan.Waxay yiraahdeen danaha istaraatiijiga ah.

Dagaalka Iiraan ma aha oo keliya dagaal ciidan.
Waa weerarkii dhaqaale ee ugu xeeladda badnaa ee lagu qaado qaab-dhismeedka maaliyadeed ee Mareykanka tan iyo cunaqabatayntii shidaalka ee 1973.
Hadda, taas micnaheedu ma aha in iskaashiyadu si fudud u burburayaan ama kalsoonidu si degdeg ah u dhammaanayso.
Arrintu sidaas uma sahla.
Laakiin tani waa istaraatiijiyadda Iiraan, waana sida ay dagaalkan dib ugu qeexayso una wajahaysay.

12/02/2026

Gabadh walba oo qurux badan, quruxdeeda guur uma keento, faqiir walbana k**a dhigna in aanu guursan.

31/12/2025

Our president Cabdiraxmaan Cirro ✊️

30/12/2025

Istijaabi oo ku guulayso Abaalmarin.

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Mindset posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category