17/08/2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Galinsoor
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqasho ku jooga deegaannada Galmudug, ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Galinsoor, halkaas oo uu safar dhulka ah ku gaaray.
Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku wehlinayay Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Booqashada Madaxweynaha ee Galmudug ayaa qeyb ka ah socdaal uu ku marayo deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, isagoo kulamo la yeelanaya bulshada iyo madaxda maamulka Galmudug.