12/08/2026
🍹 2026 Day2
*Gunaanadkii NAFIS 2026**
Somali Fresh Juices & Fruits waxay sharaf iyo farxad weyn u ahayd ka qaybgalka 2bad maalmood ee **National Agri-Food Investment Summit (NAFIS 2026)**.
2bad maalmood waxay noo ahaayeen fur-sad muhiim ah oo aan ku baranno, ku kala wadaagno khibrado, kuna soo bandhigno wax-soo-saarkeenna gudaha.
Waxaan ka faa’iidaysannay is-dhexgalka ganacsatada, dhalinyarada iyo daneeyayaasha beeraha, waxaana helnay aqoon, xiriirro cusub iyo fursado wax-ku-ool ah oo naga caawinaya kobcinta ganacsigeenna. 🌱🤝
Sidookale manta waxa lagu soo xirey progaramki Nafisa ee 2bad maalmood socday Alxamdulilah si wanagsan ayuu noogu soo idlaadey.🍊🥭🌱
Waxaan uga mahadcelinaynaa dhammaan qabanqaabiyeyaasha, ka qaybgalayaasha iyo cid kasta oo nagu soo booqatay bandhiggeenna.
🇸🇴 Fresh • Natural • Locally Made Somalia