Jabir Mohamett

Jabir Mohamett Warar, xog dhab ah & dhacdooyin gudaha iyo caalamka halkaan ka hel �

23/12/2025

Congratulations to Rasmus Højlund and Scott Mctominay for winning the Supercoppa Italiana trophy with Napoli tonight! 🏆❤️

Iyadoo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu si cad u shaaciyey go’aanno qaran, una istaagay ilaalinta midnimada dalka, das...
22/12/2025

Iyadoo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu si cad u shaaciyey go’aanno qaran, una istaagay ilaalinta midnimada dalka, dastuurka, amniga, iyo doorasho hufan, haddana waxaa nasiib darro ah in madaxweyne Hassan Sheikh uu hoggaaminayo waddo ka fog danta guud ee shacabka.

Doorasho qof iyo cod ah lama noqon karto mid xisbi gaar ah u xiran, halka mucaaradkii, dhalinyaradii, iyo qeybaha bulshada la caburinayo.

Dalka laguma hoggaamiyo hal aragti iyo hal xisbi. Soomaaliya waa dal dad badan, aragtiyo badan, iyo mustaqbal wadaag ah.

28/11/2025
27/11/2025
27/11/2025
07/10/2025
07/10/2025

Horumarinta luqadda Sawaaxiliga waa muhiim marka la eego xiriirka dalalka deriska ah, laakiin waa khalad in Jaamacadaha Soomaaliyeed, gaar ahaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, xoog badan la saaro luqad aan ahayn tan qaran ee Soomaaliga.

Mudnaanta koowaad waa in la xoojiyo, la hormariyo, lana casriyeeyo luqadda Soomaaliga — taas oo ah aqoonsigeenna, dhaqankeena, iyo midnimadeenna. In aan xoog badan galino luqad shisheeye iyadoo luqaddeenii wali u baahan tahay dib u dhis iyo daryeel, waxay dhaawacaysaa aqoonsiga iyo madaxbannaanida maskaxeed ee jiilalka soo koraya.

Waxaan taageersanahay barashada luqado kale, laakiin waa in aan kala garanno “barasho” iyo “beddelid”. Jaamacadaha waa in ay mudnaanta siiyaan cilmi-baaris, af-Soomaali aqooneed, iyo soo saarista buugaagta iyo manhajyada ku qoran afkeenna. Haddii kale, waxaynu noqonaynaa bulsho aqoontooda lagu maamulo luqado kale oo aan iyaga u adeegno halkii ay iyagu inoo adeegilahaayeen.

03/10/2025

Madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta khudbad ka jeediyay shacabka Soomaaliyeed, balse hadalladiisa k**a muuqan qorshe cad oo wax looga qabanayo amni-darrada ka sii daraysa Caasimadda. Inkasta uu ka hadlay tanaasul iyo nidaaminta dhulka danta guud, haddana shacabka waxay u baahan yihiin ficil muuqda, ma ahan ballan-qaadyo soo noqnoqday. Dhacdooyinka amni darrada ah ee maalmahan dhacay waxay caddaynayaan fashilka dowladda ee sugidda nabadda iyo ilaalinta muwaadiniinta.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jabir Mohamett posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category