xayaati qurux

xayaati qurux Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from xayaati qurux, Grocers, New York, NY.

06/23/2026
05/24/2026

Allaha u naxariistee Ismaaciil Muxidiin Xuseen ayaa ku geeriyooday badda, kadib markii uu u dabaal tagay maalmaha fasaxa. Ilaa iyo hadda, lama helin meydka marxuumka, waxaana dhacdadan murugada leh ay xanuun iyo tiiraanyo ku reebtay qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan dhalinta Soomaaliyeed.

Dhacdadan waxay mar kale iftiiminaysaa khatarta ka dhalan karta ku dabaalashada badda xilliyada ay hirarku kacsan yihiin ama xaaladda badda aysan degganeyn. Sidaa darteed, waxaan si weyn uga digeynaa dhalinyarada iyo dadka aan aqoonta iyo khibradda u lahayn dabaasha inay galaan badda xilliyada halista ah, si looga hortago musiibooyin kale.
Alle ha u naxariisto marxuumka, samir iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay.

05/23/2026

WAR DEG DEG AH:

Nin hubeysan oo isku sheegay askari ka tirsan dowladda Federaalka ayaa maanta gudaha u galay masaajid ku yaalla magaalada Lakeville.
Lakeville waa magaalo ku taalla gobolka Minnesota Waxay qiyaastii 20–25 mayl koonfur kaga beegan tahay magaalada Minneapolis. Lakeville waxay ka tirsan tahay deegaanka loo yaqaan Twin Cities metropolitan area.

Ciidamada booliska ayaa si deg deg ah uga falceliyay dhacdadaasi, iyagoo gaaray goobta muddo kooban gudaheed, waxaana lagu guuleystay in ninkaasi lagu qabto gudaha masaajidka.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli toddobaadkan gudihiisa weerar kale lagu qaaday masaajid, halkaas oo lagu dilay tiro dad ah. Arrimahan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo amniga goobaha cibaadada, gaar ahaan masaajidda ku yaalla gudaha Mareykanka.

Sidoo kale, waxaa isa soo taraya warbixinno muujinaya in weerarada lagu beegsado masaajidda iyo bulshada Muslimiinta ay sii kordhayaan, iyadoo ay barbar socoto kororka naceybka iyo falalka Islaam naceybka ah ee ka dhanka ah Muslimiinta.

Hay’adaha ammaanka ayaa hadda wada baaritaanno rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan iyo xaaladaha ku xeeran. Ilaa iyo hadda, ma jirto war rasmi ah oo faahfaahin dheeraad ah laga bixiyay.

Wixii warar iyo xog dheeraad ah ee kusoo kordha arrintan kala soco wararkeena dambe.
゚viralfbreelsfypシ゚viral

Address

New York, NY

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when xayaati qurux posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Featured

Share

Category