Abwaan c/xakiin

Abwaan c/xakiin Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abwaan c/xakiin, Grocers, Ethiopian, Addis Ababa.

Waxaa Sidan tidhi Dr's Juweriya Madax dhaqmeedku maxay siyaasadda uga hadleen su’aal meesha taalla ma aha, waayo? Siyaad...
08/09/2024

Waxaa Sidan tidhi Dr's Juweriya

Madax dhaqmeedku maxay siyaasadda uga hadleen su’aal meesha taalla ma aha, waayo? Siyaaddu waa qayb ka mid ah nolosha. Ka hadalka siyaasaduna ma aha mushkiladda e, waa habka marrin habaabinta ah ee arrinka geeska ka taagan looga hadlay.

"Nabadda ha la ilaqshado" ayay aad ugu celceliyeen. Yaa laga ilaashanayaa nabadda? Itoobiya ayaa xalaadda Geeska Africa ka aloolsan billawday. Haddii aan runta loo sheegi karin in la iska aammuso ayaa dhaanta in dadka jid khaldan lagu jiheeyo. Dadka caqlogoodana yaan lagu ciyaarin!

Maxaa shacabka DDS loogu khuukhinayaa "Masar"marna 'Colaaddii shalay’ soo noqashadeed loogu cabsi galinayaa, mar kalana loogu celcelinayaa Ethiopia inaan deegaan ka mid ah aynu nahay? Colaad aan wax faa’ido ah inoogu jirin ha la iska ilaaliyo waa sax 100%, dadka badankooduna waa sida aaminsanyihiin. Laakin cooladda cidda hurinaysa ee waddaa wa ayo?

Horta dhibaato kasto oo ka dhacday deegaanka, DOWLADDA ayay ka bilaabataa, kuna dhammaataa. Yaan laga dhigin shacabku in uu yahay kuwo marwalba u nugul awr kacsi iyo qalalaaso.

Daacad in aan laga ahayn nabadaynta DDS waxa aad ku garan kartaa lama diiddana deeganka inuu noqdo marrin quwado kala duwan ay isku hardiyaan, waxaa kaliya ee la diiddanyahay waa in aan wax danaha Soomaaliya tageersan laga fulin DDS. Dhib looma arka Ethiopia sida ay doonto in ay furin dagaal iyo colaadeed uga dhigato DDS, waana siday noqon doonto haddii Siyaasadda Addis Ababa aysan waxba iska bedelin.

Cidda u baahan in baaq loo diro waa Ethiopia, oo kibirkeeda iyo xadgudubkeeda caalamka oo dhani la yaabay.

08/09/2024

Sadaxdaa hakatagin waligaa

Address

Ethiopian
Addis Ababa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abwaan c/xakiin posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category