Farehan jamel

Farehan jamel Dire dawa

24/04/2022

๐Ÿ‘‰ .
1.QIBLADAA UJEESANAYSAA
2. ISTAAG
3. NIYO ayaad la,imaanaysaa.
4- Fiiri dhulka (halka ku beegan sujuudaada Salaada oo dhan ilaa Waqtiga ATAXIYAATKA Maahe Waqtigaas waxaad fiirinaysaa Farta la taago bilow ilaa dhamaadka ATAXIYAATKA.
5.Takbiir ALLAHU AKBAR .

IMISA XILI BAA GACMAHA KOR LOO QAADAA?

J- Afar - 4 Xili
1-Xirashada 2- Rukuucda 3-Xiliga Rukuucda laga soo noqonayo 4- Rakcada 3 xiliga la bilaabayo oo laga soo noqonayo ATAXIYAATKA KOOWAAD.

QAABKEE KOR LOO KUGU QAADAA ?
ALLAHU AKBAR Baad oranaysaa adoo kor usoo qaadayo Gacmahaaga Adigoo Farahaada isku dhajin si lamid ah adigoo aad u kala dhaqaajin ,Calaacasha Gacmaha u jedi Qiblada adigoo la simayo garbahaada ama dhagahaada Xiliga Xirashada waxaa ku siyaadinee gacantaada midig baa korsaari gacantaad bidix korkeeda Adigoo xabadka korkiisa Saaraya gacmaha .


6-Ducada:
Kadib intaadan faataxada bilaabin baa waxaad aqrin
--Ducada salaada lagu furfurto waxaad oran ducadaan ama ducooyinka kale ee salaada lagu furfurto ee soo arooray tii kuu Fudud (Waxaad ka heli XUSNUL MUSLIMKA .

ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู…ู‘ูŽ ุจุงุนูุฏู’ ุจูŽูŠู’ู†ูŠ ูˆุจูŽูŠู’ู† ุฎูŽุทุงูŠุงูŠูŽ ูƒู…ุง ุจุงุนูŽุฏู’ุชูŽ ุจูŽูŠู’ู†ูŽ ุงู„ู…ุดุฑูู‚ู ูˆุงู„ู…ุบุฑูุจู ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู…ู‘ูŽ ู†ู‚ู‘ูู†ูŠ ู…ูู† ุงู„ุฎูŽุทุงูŠุง ูƒู…ุง ูŠูู†ู‚ู‘ูŽู‰ ุงู„ุซู‘ูŽูˆุจู ุงู„ุฃุจูŠุถู ู…ูู† ุงู„ุฏู‘ูŽู†ูŽุณู ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู…ู‘ูŽ ุงุบุณูู„ู’ู†ูŠ ู…ูู† ุฎูŽุทุงูŠุงูŠูŽ ุจุงู„ู…ุงุกู ูˆุงู„ุซู‘ูŽู„ุฌู ูˆุงู„ุจูŽุฑูŽุฏู

7- Cuudu bilayso oo sheydaanka iska naar
ุงุนูˆุฐ ุจุงู„ู„ู‡ ู…ู† ุงู„ุดูŠุทุงู† ุงู„ุฑุฌูŠู…
8- bisinkaad aqrini
ุจุณู… ุงู„ู„ู‡ ุงู„ุฑุญู…ู† ุงู„ุฑุญูŠู…

โ€˜Kadib suuratul Faatixa baad aqrin, kadib waxaad Raacinaysaa wixii kuu fududaado oo Qurโ€™anka ka mid ah .

9-Rukuuc:

- waad rukuuci dhabarkaada sifiican baa u toosin gacmaahagana lowyayada/Jilbahaada dushoodaad kuqaban adigoo Farahaada kala dhaqaajinayo kadib waxaad oran rukuucda dhaxdeeda (3jeeer)
ุณุจุญุงู† ุฑุจูŠ ุงู„ุนุธูŠู…
10- Kasoo toosida Rukuucda kadib
markaad rukuucada kasoo Kacaysid waxaad oran
ุณู…ุน ุงู„ู„ู‡ ู„ู…ู† ุญู…ุฏู‡
Intaa markaa dhahdid oo aad si qumaati ah u istaag adigoi Gacmahaaga kor u qaadaya โ€œSidii xirashadii oo kale"
Kadib dheh
ุฑุจู†ุง ูˆู„ูƒ ุงู„ุญู…ุฏุŒ ุญู…ุฏุงู‹ ูƒุซูŠุฑุงู‹ ุทูŠุจุงู‹ ู…ุจุงุฑูƒุงู‹ ููŠู‡
11. Sujuud

Kadib waa sujuudi adoo allahu akbar dhahayo, xubna 7 ah baad kasujuudaysaa
waxaad dhulka dhigeysaa Wajiga iyo Sanka oo wada socdo, 2da calaacalood, 2da jilbood, faraha 2da lugood.
-Faraha Gacmaha waad isku dhajinaysaa
faraha cagahana horay usoo qaloocinaya inta kale iyadoo taagan waxaad qaabilsiinaysaa qiblada,Kadib waxaad dhahaysaa (3 jeer). ุณุจุญุงู† ุฑุจูŠ ุงู„ุฃุนู„ู‰

12:Qucuuud/Fadhiiso:

Sujuuda kadib, si qumaati ah u fariiso, adoo dhahayo
ุงู„ู„ู‡ ุฃูƒุจุฑ
Waad fadhiisanaysaa adoo lugtaada bidix kufadhiisanayo lugta midigna taagayo faraha cagahana horay usoo qaloocinaya ,kadib waxaad aqrinaysaa ducadaan
ุฑุจ ุงุบูุฑ ู„ูŠ ุŒ ุฑุจ ุงุบูุฑ ู„ูŠุŒ ุฑุจ ุงุบูุฑ ู„ูŠ.
AMA Sidookale tan aqriso.
ุงู„ู„ู‡ู… ุงุบูุฑ ู„ูŠ ูˆุงุฑุญู…ู†ูŠ ูˆุงุฌุจุฑู†ูŠ ูˆุนุงูู†ูŠ ูˆุงุฑูุนู†ูŠ ูˆุงู‡ุฏู†ูŠ ูˆุนุงูู†ูŠ ูˆุงุฑุฒู‚ู†ูŠ .
13.SUJUUDII 2
Kadib sujuudii 2aad baad aadi adoo oranyo Allahu AKBAR .
14.Qucuud/ Fadhiiso :
in yar ku hako fadhiga Nabiga Scw baa sidaa samayn jidhay oo h**e k**a Uusan istaagi jidhin .
Qaabkee loo fadhiista?
Fadhiga labada sujuud dhexdood, Fadhiga nasiinada yar & ATAXIYAATKA Kowaad

โ€ข Dhammaan fadhiyada salaadda waxaa ajar badan in loo fariisto sidaasi, marka laga reebo at-tixiyaadka dambe, Sawirka 2 ee kuu muuqda weyaan.
โ€ข Xiliga ATAXIYAATKA WAXAAD FIIRINAYSAA FARTAADA
โ€ข Qaabka aad ufadhiisanaysid ataxyaatka udanbeeyo waa lugtaada midig ayaad taagaysaa lugtaada bidixna lugta midig hoosteedaa kasoosaaraysaa, kadib sinta bidix baad kufadhiisan, Sida Sawirka oo kale

ุงู„ุชุญูŠุงุช ู„ู„ู‡ ูˆุงู„ุตู„ูˆุงุช ูˆุงู„ุทูŠุจุงุชุŒ ุงู„ุณู„ุงู… ุนู„ูŠูƒ ุฃูŠู‡ุง ุงู„ู†ุจูŠ ูˆุฑุญู…ุฉ ุงู„ู„ู‡ ูˆุจุฑูƒุงุชู‡ุŒ ุงู„ุณู„ุงู… ุนู„ูŠู†ุง ูˆุนู„ู‰ ุนุจุงุฏ ุงู„ู„ู‡ ุงู„ุตุงู„ุญูŠู†ุŒ ุฃุดู‡ุฏ ุฃู† ู„ุง ุฅู„ู‡ ุฅู„ุง ุงู„ู„ู‡ ูˆุฃุดู‡ุฏ ุฃู† ู…ุญู…ุฏุง ุนุจุฏู‡ ูˆุฑุณูˆู„ู‡.ยป
ยซุงู„ู„ู‡ู… ุตู„ ุนู„ู‰ ู…ุญู…ุฏ ูˆุนู„ู‰ ุขู„ ู…ุญู…ุฏ ูƒู…ุง ุตู„ูŠุช ุนู„ู‰ ุฅุจุฑุงู‡ูŠู… ูˆุนู„ู‰ ุขู„ ุฅุจุฑุงู‡ูŠู…ุŒ ูˆุจุงุฑูƒ ุนู„ู‰ ู…ุญู…ุฏ ูˆุนู„ู‰ ุขู„ ู…ุญู…ุฏ ูƒู…ุง ุจุงุฑูƒุช ุนู„ู‰ ุฅุจุฑุงู‡ูŠู… ูˆุนู„ู‰ ุขู„ ุฅุจุฑุงู‡ูŠู…ุŒ ููŠ ุงู„ุนุงู„ู…ูŠู† ุฅู†ูƒ ุญู…ูŠุฏ ู…ุฌูŠุฏ.ยป

Haday tahay salaada markaas aad tukanaysid salaadaha afar afarta ah ama sadaxsadaxda ah waad kici adoo oranayo ุงู„ู„ู‡ ุฃูƒุจุฑ oo Gacmaha kor u qaadayo sidii xirashadii oo kale ..
Kadib wixii kuu haray baad dhamaystiraysaa, kadib waxad ufadhiisan ATAXIYAATKII ugu danbeeyay.

ATAXIYAATKA udanbeeyo waxaad aqrin ataxyaatkoo dhamaystiran oo waxaad kudarsankartaa wixii kalo aad alle weydiisanaysid oo duco ah.

ุงู„ุชูŽู‘ุญููŠูŽู‘ุงุชู ู„ูู„ูŽู‘ู‡ู ูˆูŽุงู„ุตูŽู‘ู„ูŽูˆูŽุงุชู ูˆูŽุงู„ุทูŽู‘ูŠูู‘ุจูŽุงุชู ุงู„ุณูŽู‘ู„ูŽุงู…ู ุนูŽู„ูŽูŠู’ูƒูŽ ุฃูŽูŠูู‘ู‡ูŽุง ุงู„ู†ูŽู‘ุจููŠูู‘ ูˆูŽุฑูŽุญู’ู…ูŽุฉู ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ู ูˆูŽุจูŽุฑูŽูƒูŽุงุชูู‡ู ุงู„ุณูŽู‘ู„ูŽุงู…ู ุนูŽู„ูŽูŠู’ู†ูŽุง ูˆูŽุนูŽู„ูŽู‰ ุนูุจูŽุงุฏู ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ู ุงู„ุตูŽู‘ุงู„ูุญููŠู†ูŽุŒ ุฃูŽุดู’ู‡ูŽุฏู ุฃูŽู†ู’ ู„ูŽุง ุฅูู„ูŽู‡ูŽ ุฅูู„ูŽู‘ุง ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ู ูˆูŽุฃูŽุดู’ู‡ูŽุฏู ุฃูŽู†ูŽู‘ ู…ูุญูŽู…ูŽู‘ุฏู‹ุง ุนูŽุจู’ุฏูู‡ู ูˆูŽุฑูŽุณููˆู„ูู‡ู. ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ูู…ูŽู‘ ุตูŽู„ูู‘ ุนูŽู„ูŽู‰ ู…ูุญูŽู…ูŽู‘ุฏู ูˆูŽุนูŽู„ูŽู‰ ุขู„ู ู…ูุญูŽู…ูŽู‘ุฏู ูƒูŽู…ูŽุง ุตูŽู„ูŽู‘ูŠู’ุชูŽ ุนูŽู„ูŽู‰ ุฅูุจู’ุฑูŽุงู‡ููŠู…ูŽ ูˆูŽุนูŽู„ูŽู‰ ุขู„ู ุฅูุจู’ุฑูŽุงู‡ููŠู…ูŽ ุฅูู†ูŽู‘ูƒูŽ ุญูŽู…ููŠุฏูŒ ู…ูŽุฌููŠุฏูŒ ุŒ ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ูู…ูŽู‘ ุจูŽุงุฑููƒู’ ุนูŽู„ูŽู‰ ู…ูุญูŽู…ูŽู‘ุฏู ูˆูŽุนูŽู„ูŽู‰ ุขู„ู ู…ูุญูŽู…ูŽู‘ุฏู ูƒูŽู…ูŽุง ุจูŽุงุฑูŽูƒู’ุชูŽ ุนูŽู„ูŽู‰ ุฅูุจู’ุฑูŽุงู‡ููŠู…ูŽ ูˆูŽุนูŽู„ูŽู‰ ุขู„ู ุฅูุจู’ุฑูŽุงู‡ููŠู…ูŽ ุฅูู†ูŽู‘ูƒูŽ ุญูŽู…ููŠุฏูŒ ู…ูŽุฌููŠุฏูŒ.ยปุŒ
ยซุงู„ู„ูŽู‘ู‡ูู…ูŽู‘ ุฅู†ูู‘ูŠ ุฃูŽุนููˆุฐู ุจููƒูŽ ู…ูู† ุนูŽุฐูŽุงุจู ุฌูŽู‡ูŽู†ูŽู‘ู…ูŽุŒ ูˆูŽู…ูู†ู’ ุนูŽุฐูŽุงุจู ุงู„ู‚ูŽุจู’ุฑูุŒ ูˆูŽู…ูู†ู’ ููุชู’ู†ูŽุฉู ุงู„ู…ูŽุญู’ูŠูŽุง ูˆูŽุงู„ู’ู…ูŽู…ูŽุงุชูุŒ ูˆูŽู…ูู†ู’ ุดูŽุฑูู‘ ููุชู’ู†ูŽุฉู ุงู„ู…ูŽุณููŠุญู ุงู„ุฏูŽู‘ุฌูŽู‘ุงู„ูยป
Intaa kadib
Kadib waad salaama naqsan adoo dhankaad midig kubilaabayo
โ€ข Dumar hadii aad tahay waxaa waajib kugu ah in aad jirkaada daboosho.

๐Ÿ‘‰ARKAANTA SALAADA:

Salaada waxay leedahay tiirar aysan salaadda dhamaystirmeenin ayada maahane, salaadana aysan ansax aynan noqonayn.

Tiirarakaas maxay yihiiin?
โ€ข Qiblada
1. NIYADA afka kagama dhawaaqaysid ee waa qalbiga.
2. ALLAHU AKBAR (Takbiiratul ixraam) allahu akbar inaad dhahdid waxaa udaliil ah qowlkii nabiga salallahu calayhi wasalam uu yiri
ุฅุฐุง ู‚ู…ุช ุฅู„ู‰ ุงู„ุตู„ุงุฉ ููƒุจุฑ
Markaad salaada u istaagtid Allahu akbar dheh
3. ISTAAGID qofka tukanayo waxaa waajib ku ah markuu tukanayo inuu istaago haduu awoodo hadalkii nabiga udaliil ah uu nabiga uu ku yiri saxaabigii ladhihi jiray CIMRAAN BINU XUSAYN
(TUKO ADOO TAAGAN)
4. SUURATUL FAATIXA AQRINTEEDA inaad aqrisid suuratul faatixa rakcad kaste waa tiir kamida tiirarka salaada.
Nabiga salallahu calayhi wasalam wuxuu yiri
ู„ุง ุตู„ุงุฉ ู„ู…ู† ู„ู… ูŠู‚ุฑุฃ ุจูุงุชุญุฉ ุงู„ูƒุชุงุจ
SALAAD UMA JIRTO QOFAANAN AQRIN SUURATUL FAATIXA
5. RUKUUCDA IYO INAAD KUXASISHID RUKUUCDA
Nabiga salallahu calayhi wasalam wuxuu yiri asagoo barayo oo lahadlayo saxaabigii hortiisa kutukanayay oo aanan hagaajin salaadiisa ayaa wuxuu kuyiri
ุซู… ุงุฑูƒุน ุญุชูŠ ุชุทู…ุฆู†ู‘ ุฑุงูƒุนุงู‹
KADIB RAKUUC ILAA AAD KAXASISHID XAALA AAD TAHAY MID RUKUUCSAN
6. INAAD ISTAAGA KUXASISHID ISTOOSISIDNA MARKAAD RUKUUCDA KASOO KACDID KADIB
Waa tiir kamid ah tiirarka salaaada
ุซู… ุงุฑูุน ุญุชูŠ ุชุนุฏู„ ู‚ุงุฆู…ุง
KADIB KOR USOO KAC ILAA AAD ISTAAGA KAGA XASISHID
7. SUJUUDA IYO INAAD KUXASISHID
8. FADHIGA UDHAXEEYO 2DA SUJUUDOOD IYO IN LAGU XASILO
9. ATAXIYAATKA
10. SALAAMA NAQSI
11. TARTIIB say ukala h**eeyaan inaad ukala hormarisid tiirarkaas.

BARAARUJIN:
1.Xiliga ATAXIYAADKA Farta murugsatada ah oo lataago labada ATTAXIYAAT bilaaw ilaa laga dhamaad Adigoo fiirinayo fartaa.
โ€ข Sifiican u aqri ama u dhagayso Wixii aad fahmi waydana nasoo waydii Ehelada & Asxaabta ugudbi Shukran.

Address

Dire Dawa
Bedessa
F.J

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Farehan jamel posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category