29/03/2023
Maxaa maanta kala qabsaday Korneyl Biixi iyo Ciidagale [GARXAJIS]. Kulan Sareeye Dhaqan Yaasiin Maxamed ka doobyay oo lagu kala kacay.
Korneyl Biixi oo wada qorshe cusub oo uu hab qabiil ugu dagaal gelinayo beelaha [ISAAQ] ayaa saaka la kulmay guddiga Beesha Ciidagale oo kamid ah Beelaha ugu balaadhan Somaliland ee [GARXAJIS].
Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada ayuu Korneylku Beesha Ciidagale ku canaantay inaanay keenin wiilal lagu daro ciidanka oo dagaalka lagu xoojiyo maadama oo Somaliland lagu soo duulay.
Sida ay Bakayle Media u sheegeen Goobjoogayaashu wuxu Korneylku hadalkiisa ka bilaabay "Garxajisow dalkan idinka xoreeyay oo usoo dhintay, maantana Daarood baa inagu soo duulay idinkama filayn inaa garabkayga ka baxdaan, waa inaynu isku tashano oo aa keentaan wiilashii lagu xoojin lahaa ciidankeena."
Sareeye Dhaqan Yaasiin Mohamed oo kamid ah foolaadka Madaxdhaqameedka Garxajis ee beesha Ciidagale ayaa hadalka qaatay kolkii Muuse jeediyay khudbad tawaawac iyo guubaabo qabiil u badnayd.
Xaaji Yaasiin wuxu yidhi; "Muusoow Somaliland cudur aan adiga ahayn malaha, cid aad qabiil ku dagaal gelinaysaana ma jirto haddii dadka halka fadhiya been kuu sheegaan anigu kuma sheegayo oo illaahay baa i weydiinaya dalkan doorasho iyo isbedel aad adigu ku tagto ayuu u baahan dhib adiga ahayni ma jirtee dalkan iskaga tag.."
Korneylka ayaa ka cadhooday hadalka Xaaji Yaasiin oo u badnaa canaan iyo wax sheeg waaqici ah wuxuuna ka kacay fadhigii sida la sheegayna laguma heshiin dagaal qabiil oo Garxajis kula midoobay Taliska Korneyl Biixi.
Dhowaan ayay ahayd markii guddiga Beelahaas Garxajis soo saareen go'aan ahaa inaanay qayb ka noqonaynin colaad sokeeye ee Laascanood xilligaas waxay ku baaqeen in Ciidamada Somaliland laga dul qaado dhulka SSC.