alfanaan muunye maaxi

alfanaan muunye maaxi madadaalo iyo Warar xaqiiqo ag

26/09/2026
26/09/2026

๐Ÿ”ด Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in goor dhow halkaasi lagu dilay, Allaha u naxariistee, Cabdullaahi Cunshur Xasan, oo loo yaqaanay Nabadoon Cunshur.

Weerarka ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen laba qof oo kale.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay soo noqnoqdeen weerarrada iyo dilalka loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika, taasoo walaac weyn ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.

Ilaa hadda faahfaahin dheeraad ah lagama hayo sababta iyo cidda ka dambeysay dilka.

Allaha u naxariisto Cabdullaahi Cunshur Xasan, ehelkiisa iyo qoyskiisana samir iyo iimaan haka siiyo. Allaha Jannadiisa Firdowsa haka waraabiyo. Aamiin.
xayaati qurux

18/09/2026

Waxaa la baafinayaa maamada iskaleh card kaan halkaan idinka muuqdo.

Hadaad tahay milkiilaha ama aad taqaan maamadan fadlan nala soo xiriir.

Fadlan share gareey si loo helo ma**da iska leh card kaan
xayaati qurux

16/09/2026

๐—ฆ๐—จ๐—ฃ๐—˜๐—ฅ ๐— ๐—”๐—ซ ๐——๐—ข๐—ช๐— ๐—”๐—ก: ๐—ฌ๐—”๐—ฅ ๐—ž๐—” ๐——๐—”โ€™ ๐—ช๐—”๐—ฌ๐—ก ๐——๐—”โ€™๐——๐—œ๐—œ๐—ฆ๐—”!

Super Max Dowman ayaa caawa mar kale muujiyay in daโ€™diisu aysan xaddidnayn awooddiisa, kaddib markii uu bandhig cajiib ah ka sameeyay garoonka, isagoo si weyn uga dhex muuqday guushii 4-2 ahayd ee Arsenal ka gaartay Ipswich Town.

Dowman oo fursad loo siiyay ayaa 7-daqiiqo gudahood dhaliyay goolka furitaanka, isagoo kubadda si qurux badan uga soo dhex qaaday dhowr ciyaaryahan, ka hor inta uusan kii ugu dambeeyay dhulka dhigin oo uu shabaqa ku hubsaday.

Intaas kuma ekaan. Dowman ayaa sidoo kale door weyn ku lahaa goolka labaad ee Noni Madueke, isagoo sii watay bandhiggiisa xooggan. Goolkii saddexaadna isaga ayaa dhaliyay daqiiqaddii 47-aad, halka 10 daqiiqo kaddib uu caawiyay goolkii afaraad ee uu dhaliyay Mikel Merino.

๐—”๐—ณ๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ ๐—ด๐—ผ๐—ผ๐—น ๐—ฒ๐—ฒ ๐—”๐—ฟ๐˜€๐—ฒ๐—ป๐—ฎ๐—น โ€” ๐——๐—ผ๐˜„๐—บ๐—ฎ๐—ป ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ku ๐—น๐˜‚๐—ด ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ!

โ€œ๐—ง๐—ต๐—ฒ ๐—ป๐—ฒ๐˜„ ๐—ž๐—ฎ๐—ธ๐—ฎโ€ โ€” magacaas ayaa durba loo adeegsanayaa Dowman, waxaana caawa uu bixiyay sabab kale oo taageerayaasha Arsenal ay ugu sii rajo weynaan karaan mustaqbalkiisa.

Kalsoonida uu cunigan ku ciyaarayo ayaa ah waxa ugu yaabka badan. Wuxuu u muuqdaa ciyaaryahan daโ€™diisa ka weyn, waxaana muuqata inuu awood u leeyahay inuu door muhiim ah ka qaato nidaamka Mikel Arteta haddii fursado joogto ah la siiyo.

Qofkii ku raaxaysan jiray waayihii Mesut ร–zil ee Arsenal, Dowman wuxuu siin karaa xasuuso ka mid ah quruxdii ciyaartoyda hal-abuurka leh ee kubadda si dabiici ah ula dhaqma.

Dhanka kale, Mikel Arteta wuxuu Arsenal ka sameeyay koox leh qoto-dheeri muuqda. Safka koowaad iyo kan labaad ayaa mararka qaar u muuqda kuwo si weyn isugu dhow, iyadoo qaar ka mid ah ciyaartoyda keydka ay xitaa muujiyeen tartan adag.

Noni Madueke iyo Max Dowman waxay u muuqdaan ciyaartoy mudan fursado dheeraad ah, halka Marli Salmon uu isna soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan.

Viktor Gyรถkeres, dhanka kale, caawa wuxuu ku adkaaday inuu ka faaโ€™iideysto fursadihii loo abuuray. Halkii uu ka jawaabi lahaa cadaadiska iyo dhaleeceyntii maalmihii u dambeeyay, bandhiggiisa ayaa ahaa mid muujinayay niyad-jab iyo kalsooni-darro.

Guushu waxay Arsenal siisay guushii toddobaad oo xiriir ah, halka ay sidoo kale ahayd guushii shanaad ee ay bannaanka kusoo gaaraan.

Hadda indhaha Bahweynta Arsenal waxay u jeedaan kulanka Sabtida ee Brighton iyo wareegga shanaad ee Premier League.

๐—›๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ผ ๐—ง๐—ต๐—ฒ ๐—š๐˜‚๐—ป๐—ป๐—ฒ๐—ฟ๐˜€! ๐Ÿ”ดโšช
xayaati qurux

01/08/2026

Booliiska Jarmalka oo baadi-goobaya gabar Soomaali ah oo 13 jir ah oo laga la'yahay xarun lagu daryeelo carruurta

Wunsiedel, Jarmalka โ€“ Booliiska gobolka Bayern ee dalka Jarmalka ayaa wali baadi-goobaya gabar Soomaali ah oo 13 sano jir ah, kaddib markii laga waayay xarun lagu daryeelo carruurta iyo dhallinyarada oo ku taalla magaalada Wunsiedel.

Gabadha oo lagu magacaabo Fathi Abdi Adam, ayaa sida ay booliisku sheegeen, markii ugu dambeysay lagu arkay xarunta ay deggeneyd maalintii Arbacada. Tan iyo xilligaas lama hayo wax xog ah oo ku saabsan halka ay ku sugan tahay, waxaana socda howlgal lagu baadi-goobayo.

Booliisku waxay sheegeen inay baarayaan dhammaan suurtagalnimada, isla markaana ay shacabka ka codsanayaan in qof kasta oo arka gabadha ama haya xog ku saabsan halka ay ku dambeysay uu si degdeg ah ula xiriiro saldhigyada booliiska.

Sida uu dhigayo sharciga Jarmalka, marka ilmo ka yar 18 sano la waayo ama uu ka baxo xarun lagu daryeelo carruurta, waxaa arrinta loo tixgeliyaa mid mudnaan sare leh. Booliiska iyo hay'adda daryeelka carruurta ee Jugendamt ayaa si wadajir ah u bilaaba baaritaan degdeg ah si loo xaqiijiyo badbaadada ilmaha loona ogaado halka uu ku sugan yahay.

Carruurta ku nool xarumaha noocan ah badankood waxay halkaas ugu jiraan sababo la xiriira daryeel, ilaalin ama xaalado qoys, waxaana sharci ahaan waajib ku ah dowladda inay ilaaliso ammaankooda iyo xuquuqdooda.

Inkastoo mararka qaar ay dhacdo in carruur ama dhallinyaro ay ka baxaan xarumaha daryeelka, haddana mas'uuliyiinta Jarmalka waxay sheegeen in kiis kasta loo maro baaritaan gaar ah, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo sidii ilmaha loogu heli lahaa iyagoo nabad qaba.

Illaa iyo hadda, booliiska ma aysan shaacin xog muujineysa halka ay ku dambeysay Fathi Abdi Adam, waxaana weli socdaa baaritaan.

Qof kasta oo haya xog ku saabsan gabadha ayaa lagu boorriyay inuu si degdeg ah ula xiriiro booliiska gobolka Bayern.
fans

09/07/2026

Huda amuun wali k**a aysan sabrin Sharma arke
alfanaan muunye maaxi

Address

E16AN
London
E16AN

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when alfanaan muunye maaxi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to alfanaan muunye maaxi:

Shortcuts

Share

Category