Hussein Talks

Hussein Talks Hussein Talks — Waxbaro, Fikir, Noolow.

Waxa maanta ii soo gaadhay nuqul ka mid ah buuggii aan muddo xiisaynayay ee MATAANTAYDII. Waa sheeko-faneed uu qalinka k...
04/06/2026

Waxa maanta ii soo gaadhay nuqul ka mid ah buuggii aan muddo xiisaynayay ee MATAANTAYDII. Waa sheeko-faneed uu qalinka ku duugay qoraa da’yar oo hibadiisu si weyn uga muuqato bog kasta.

Runtii waa hal sheeko oo si taxaddar leh loo dhisay, dhacdooyinkeeduna si isdaba-joog ah ayay u socdaan, taas oo akhristaha ku sii xidhaysa sheekada ilaa dhammaadkeeda.

Mahadsanid saaxiib Faysal, dedaalkaaga iyo hal-abuurkaaga qiimaha badan. Waxaan kuu rajaynayaa guulo iyo qoraallo kale oo ka sii wanaagsan

02/06/2026
Adeerkii “Maxamed Mooge” ayaa yidhi: Tollaay reer Hargeisoow, halkaad iga xigtaan bay, dhaxan tu iga haysaa. 🥹Mahadsanid...
31/05/2026

Adeerkii “Maxamed Mooge” ayaa yidhi: Tollaay reer Hargeisoow, halkaad iga xigtaan bay, dhaxan tu iga haysaa. 🥹

Mahadsanid .

Alxamdulillaah ✨Waxaan si rasmi ah uga qayb noqonayaa“SHORT FILMMAKING MASTERCLASS” 🎥🔥Waa fursad weyn oo lagu hormarin k...
28/05/2026

Alxamdulillaah ✨

Waxaan si rasmi ah uga qayb noqonayaa
“SHORT FILMMAKING MASTERCLASS” 🎥🔥

Waa fursad weyn oo lagu hormarin karo aqoonta iyo waayo-aragnimo la xidhiidha:
🎞️ Filmmaking

Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan qayb ka noqdo safarkan aqooneed ee hal-abuurka leh.

Mahadsanid dhammaan qabanqaabiyeyaasha iyo cid kasta oo dadaalkan qayb ka ah. 🤝

📅 1 June 2026
🕗 8:00 PM
🌐 Online






Ciid Mubaarak dhammaan ❤️🌙Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa asxaabta, qoyska, ehelka, shaqo-wadaagta, ummadda musli...
27/05/2026

Ciid Mubaarak dhammaan ❤️🌙

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa asxaabta, qoyska, ehelka, shaqo-wadaagta, ummadda muslimka ah iyo guud ahaan shucuubta Islaamka meel kasta oo ay joogaan.

Alle ha idiinka dhigo Ciiddaan mid ku suntan farxad, caafimaad, nabad, barwaaqo iyo qalbi deggan. Ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii, ducadii iyo dhammaan cibaadadii aynu usoo gudannay si niyad sami ah.

Ilaahay ha adkeeyo jacaylka, walaaltinimada iyo isku duubnida bulshada muslimiinta, sanadkan sanadkiisana khayr iyo kheyrqabna haynagu gaadhsiiyo.

Ciid Wanaagsan dhammaantiin ✨🤍

عيد مبارك تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال 🤍
27/05/2026

عيد مبارك تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال 🤍

✨ Ciid Wanaagsan ✨Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka Islaamka meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyaynay...
26/05/2026

✨ Ciid Wanaagsan ✨

Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka Islaamka meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyaynayaa munaasibadda barakaysan ee Ciidul Adxaa 1447 Hijri.

Ilaahay ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan, hana inagu gaadhsiiyo nabad, caafimaad, farxad iyo barwaaqo. Ciidani ha noqoto mid qalbiyadeenna isu soo dhawaysa, jacaylka iyo walaaltinimadana sii xoojisa.

Ciid Wanaagsan dhammaantiin. 🌙🤍
— Hussein Talks

COMING UP NEXT — ON REJO PODCASTBerri Jimce | 4:00 PM (EAT)“𝐇𝐎𝐆𝐀𝐀𝐌𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐄𝐄𝐍𝐊𝐀”WARBIXIN BALAADHAN OO KU SAABSAN BUUGGA,...
21/05/2026

COMING UP NEXT — ON REJO PODCAST
Berri Jimce | 4:00 PM (EAT)

“𝐇𝐎𝐆𝐀𝐀𝐌𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐄𝐄𝐍𝐊𝐀”
WARBIXIN BALAADHAN OO KU SAABSAN BUUGGA, HOGGAANKA IYO DOORKA HAWEENKA EE BULSHADA.

Waxaa jira buugaag badan oo ay dadkeenu akhristaan
balse beddela sida aad u aragto bulshada, hoggaanka iyo awoodda qofka dumarka ah.

Podcast-kan gaarka ah, waxa marti ku ahaa:
Khadar Cabdirahmaan Indha yare.

Turjumaagii Af-Soomaaliga u rogay buugga “Hogaaminta Haweenka” — buug si alaadhan uga hadlaya awoodda, caqabadaha, iyo safarka hoggaamineed ee haweenka.

Waxaan ka sheekaysanay
• Maxaa ku dhiirrigeliyay turjumaadda buuggan?
• Maxay muhiim u tahay in aqoonta noocan ahi ku timaaddo Af-Soomaali?
• Waa maxay farriinta ugu weyn ee uu buuggu gudbinayo?
• Sidee ayay haweenku uga qayb qaadan karaan hoggaanka bulshada, waxbarashada iyo horumarka?
• Maxay yihiin caqabadaha hortaagan haweenka Soomaaliyeed?
• Sidee dhalinyaradu uga faa’iideysan karaan casharrada buuggan?

Waxaan sidoo kale soo hadal qaadnay:
𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐧.
𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨.
𝐃𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚.
𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚.
𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚.
Intii uu wareysigu socday, waxa aan dareemayay in dooddan aysan ku koobnayn buug keliya…
balse ay ahayd dood ku saabsan mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed.

Hal su’aal ayaa si gaar ah maskaxdayda ugu dhegtay:
“Bulsho ma hormari kartaa iyadoo aan dumarkeedu helin fursad ay ku hoggaamiyaan, ku waxbartaan, kuna dhiiradaan riyadooda?”

Waxa ugu weyn ee aan ka bartay dooddan waxay ahayd:
Qarnigan la joogo,
aqoontu ma aha wax la akhriyo keliya.
𝐖𝐚𝐚 𝐚𝐰𝐨𝐨𝐝.
𝐖𝐚𝐚 𝐢𝐬𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥.
𝐖𝐚𝐚 𝐢𝐟𝐭𝐢𝐢𝐧.
𝐖𝐚𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫.
Kani ma ahan podcast loogu talo galay haweenka oo keliya.
Waa wada-sheekeysi ku saabsan bulshada oo dhan.

Sababtoo ah:
𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐪𝐨𝐟 𝐰𝐚𝐥𝐛𝐚.
Berri Jimce | 4:00 PM (EAT)
ON REJO PODCAST 🎙️

Address

Hargeisa
00000

Telephone

+251935289866

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hussein Talks posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share