04/06/2026
Waxa maanta ii soo gaadhay nuqul ka mid ah buuggii aan muddo xiisaynayay ee MATAANTAYDII. Waa sheeko-faneed uu qalinka ku duugay qoraa da’yar oo hibadiisu si weyn uga muuqato bog kasta.
Runtii waa hal sheeko oo si taxaddar leh loo dhisay, dhacdooyinkeeduna si isdaba-joog ah ayay u socdaan, taas oo akhristaha ku sii xidhaysa sheekada ilaa dhammaadkeeda.
Mahadsanid saaxiib Faysal, dedaalkaaga iyo hal-abuurkaaga qiimaha badan. Waxaan kuu rajaynayaa guulo iyo qoraallo kale oo ka sii wanaagsan