Mohamed yuusuf abdillahi

Mohamed yuusuf abdillahi ASXEEBTA SOOMAALIYEED DHAMANTIINBA KUSOO DHOWADA PAGEKA RUN SHEEG FOLLOWDANA KU BOOBA SINA SHEERGAREEYA FADLAN

06/09/2026

xasuusa reer waqoyi bariyow tani waxay ahayd taariikh biyo maydhikarin birna go,aynkarin

Ciidamdii Soomaliland oo iskaga baxay difaacii ay kaga jireen Oog  kaddib markii ay Hoggaamiye Ciro ka waayeen mushahaar...
06/09/2026

Ciidamdii Soomaliland oo iskaga baxay difaacii ay kaga jireen Oog kaddib markii ay Hoggaamiye Ciro ka waayeen mushahaar.

Ciidanka ayaa isku uruursaday magalada Caynaba ee gobolka Sool ,Arrintan ayaa cabsi ku abuurtay dadka deegaanka, kuwaas oo ka walaacsan in Maamulka Waqooyi-Bari uu qabsado deegaanadii ay baneeyeen ciidamada Maamulka Somaliland

05/09/2026

waxan oo kale ma aha wax laqaadankaro ama dadka laga dhaadhicinkaro Waxaani Waa Waali Cas War Bal iga Fogeeya

04/09/2026

Yaa duqayntii xalay ka dambeeyey, yaase la tuhmayaa, cawaaqib noocee ah ayaa kadhalan kara?

04/09/2026

Maamulka Deegaanka Soomaalida Oo Ka Hadlay Ciidamadii Soomaaliya Ee Dhowaan Lagu Qabtay Gudaha Deegaanka

Masaafada tooska ah ee dhanka hawada ee u dhaxeysa Muqdisho iyo Doolow waa ku dhawaad 434 km illaa 470 km, marka aan eeg...
04/09/2026

Masaafada tooska ah ee dhanka hawada ee u dhaxeysa Muqdisho iyo Doolow waa ku dhawaad 434 km illaa 470 km, marka aan eegno awoodda duqayneed iyo hagidda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar marka ay ka soo kacaan garoonka Muqdisho, waxaa inoo soo baxaysa xogtan:

Diyaaradda Bayraktar TB2 ee isticmaasha habka caadiga ah (Line of Sight) k**a duqayn karto Doolow iyadoo laga haggayo xarunta dhulka ee Muqdisho. Maadaama anteenada dhulku ay wax ka hagi karto masaafo dhan 150 km illaa 300 km oo keliya, masaafada Doolow (434 km) waxay ka badan tahay xadka isgaarsiinta anteennada, iyadoo u baahan doonta in xarun haggid oo dheeraad ah loo wareejiyo dhanka gobolka Gedo ama la isticmaalo satalayt.

Marka ay noqoto noocyada horumarsan ee Bayraktar TB2S iyo Bayraktar TB3 oo ku shaqeeya SATCOM (isgaarsiinta satalaaytka), waxay leeyihiin masaafo-duullimaad oo gaaraysa illaa 2,000 km, waxayna si buuxda u duqayn karaan Doolow. Safarka labada dhinac ah ee Muqdisho iyo Doolow cel celis waa ku dhawaad 900 km, taas oo ka yar kala bar awoodda duulimaad ee TB3, iyadoo si hawl-yari ah bartilmaameedka uga kafayn karta dibna ugu soo laaban dhufeyskeeda Muqdisho.

Dhanka kale, diyaaradda baaxadda weyn ee Bayraktar Akıncı oo awoodda masaafo-duulimaad oo ka badan 5,000 km iyo haggid caalami ah (SATCOM), Doolow waxay u tahay masaafe aad u dhow. Akıncı kaliya ma duqayn karto Doolow iyadoo ka soo kacday Muqdisho, waxaana u dheer in ay hawada Doolow dul heehaabi karto saacado badan ka hor iyo ka dib duqaynta iyada oo aan u baahanin in ay si degdeg ah u soo laabato.

Haddaba dayuuradda Doolow duqaysay, macquul ma tahay in saldhigga turkiga ee ityoobiya ay kasoo kacday?

04/09/2026

Puntland Waa Diyaar Soo Soco Siraadeey✌️

Waqooyi Bari iyo Maraykanka ayaa Muqdisho kaga Shiray xoojinta Amniga iyo wadaagista khibradaha
04/09/2026

Waqooyi Bari iyo Maraykanka ayaa Muqdisho kaga Shiray xoojinta Amniga iyo wadaagista khibradaha

👀 Hub ay mucaaradku sheegeen inuu halis ku yahay amnigooda ayaa lagu wareejiyay ciidamada amniga Soomaaliya, gaar ahaan ...
04/09/2026

👀 Hub ay mucaaradku sheegeen inuu halis ku yahay amnigooda ayaa lagu wareejiyay ciidamada amniga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Haramcad.

Hubkan ayaa waxaa ku jira qoryaha loo yaqaan Sniper-ka, kuwaas oo ah qoryo meelaha fog wax ka toogta. Arrintan ayaa sii kordhisay walaaca iyo cabsida ay mucaaradku ka qabaan in hubkan loo adeegsado howlgallo ka dhan ah.

  : Taliye Shub oo dhaawac fudud kasoo gaaray duqeyn lagu beegsaday gurigiisaDoolow, Gobolka Gedo — 4 Sebtembar 2026:War...
04/09/2026

: Taliye Shub oo dhaawac fudud kasoo gaaray duqeyn lagu beegsaday gurigiisa
Doolow, Gobolka Gedo — 4 Sebtembar 2026:
Wararka ka imaanaya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay duqeyn lagu beegsaday guriga uu halkaasi ka deganaa Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo loo yaqaan Taliye Shub, taliyihii h**e ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in Taliye Shub uu kasoo gaaray dhaawac fudud, waxaana la sheegay in loo geeyay goob caafimaad oo ku taalla Doolow si loogu daweeyo dhaawacyada ka dhashay duqeynta.
Duqeynta ayaa sidoo kale sababtay khasaare soo gaaray dad kale oo ku sugnaa guriga. Warbaahinno ayaa soo tabiyay dhimasho iyo dhaawac, inkastoo tirada rasmiga ah iyo faahfaahinta khasaaraha aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.
Ilaa hadda ma cadda cidda fulisay duqeynta iyo diyaaraddii loo adeegsaday. Sidoo kale, ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed iyo qaybo ka mid ah Soomaaliya ay tahay mid xasaasi ah.

Address

Sool
Laascaanood

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed yuusuf abdillahi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category