18/07/2026
Maanta oo ay taariikhdu tahay 17 Luulyo 2026, waxaa Hotel Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho lagu qabtay shir rasmi ah oo ay yeesheen Guddiga Fulinta ee Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliya (Somali Federation Trade Union – SFTU).
Waxaa shirka gudoominaayey gudoomiyaha xiriirka ururadda shaqaalaha dowladda.
Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta midnimada iyo wadajirka shaqaalaha Soomaaliyeed, horumarinta tayada shaqaalaha, dardargelinta fulinta qorshayaasha ururka, iyo falanqaynta xaaladda guud ee shaqaalaha Soomaaliyeed.
Kulanka waxa uu ku qabsoomay jawi wadatashi, is-afgarad iyo mas'uuliyad ku dhisan, iyadoo xubnaha Guddiga Fulintu ay si qoto dheer uga doodeen arrimaha mudnaanta u leh shaqaalaha dowladda.
*Ajendayaasha Kulanka*
1- Dib-u-eegista Xaaladda Shaqaalaha Dowladda.
2- Horumarinta Howlaha Guddiga Fulinta.
3- Falanqaynta Waxqabadka Shaqaalaha Dowladda.
*Go'aamada Kulanka*
Kadib dood iyo falanqayn dheer, Guddiga Fulintu wuxuu isku raacay qodobadan:
In la sii xoojiyo midnimada iyo wadajirka shaqaalaha Soomaaliyeed.
In si joogto ah loo fuliyo qorshayaasha iyo go'aamada Guddiga Fulinta.
In la diyaariyo qorshe cad oo wax looga qabanayo caqabadaha haysta shaqaalaha.
In la xoojiyo wada-shaqeynta ururka iyo dhammaan hay'adaha dowladda ee khuseeya arrimaha shaqaalaha.
In la qabto kulamo joogto ah oo lagu qiimeeyo heerka fulinta qorshayaasha iyo horumarka la gaarayo.
In mudnaan gaar ah la siiyo horumarinta aqoonta, xirfadaha iyo tayada shaqaalaha dowladda.
*Gunaanad*
Kulanka Guddiga Fulinta ee Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya .
wuxuu ku soo dhammaaday jawi wanaagsan oo ku dhisan wada-tashi, is-afgarad iyo mas'uuliyad qaran.
Guddiga Fulintu wuxuu dib u xaqiijiyay sida ay uga go'an tahay difaaca xuquuqda, daryeelka iyo horumarinta shaqaalaha dowladda Soomaaliyeed, isagoo adkeeyay in ururku sii xoojin doono dadaallada lagu kobcinayo tayada adeegga guud, hufnaanta maamulka iyo wada-shaqeynta hay'adaha dowladda.
Ugu dambayn, Guddiga Fulintu wuxuu ugu baaqayaa dhammaan shaqaalaha dowladda Soomaaliyeed iyo shaqaalaha kale ee Gaarka Looleeyahay inay xoojiyaan midnimadooda, gutaan waajibaadkooda si hufan, kana qayb qaataan horumarinta adeegga bulshadda